Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Dayyib Erdogan ayaa Baarlamaanka horgeeyey heshiiskii difaaca badda Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Dayyib Erdogan ayaa Baarlamaanka horgeeyey in ay ansixiyaan in Ciiddamo loo diro xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan isla markaana loo fuliyo heshiiskii difaac ee labada dhinac dhex maray.

Sidoo kale Maraakiibta dalka Turkiga ayaa lagu soo warramayaa in ay u soo shiraacdeen Xeebaha Soomaaliya waxaana qayb ka ah Maraakiib baadhi doonta qaybo ka mida shidaalka Soomaaliya ku jira.

Arrintan ayaa daba socota heshiiskii difaaca ee ay horay u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga , kaas oo la saxiixay bishii Febraayo ee sanadkan 2024-ka, ayada oo ujeedka uu yahay in Ankara ay la wareegto amniga iyo difaaca guud ahaan Badda Soomaaliya.

Exit mobile version