Site icon Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay kulan hordhac ah ka yeesheen joojinta dagaal beeleedka

Mas'uuliyiin ka tirsan labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay kulan hordhac ah ka yeesheen joojinta dagaal beeleedka

Mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay kulan hordhac ah ka yeesheen joojinta dagaal beeleedka khasaaraha xooggan sababay ee ka dhacay galbeedka Mudug.

Kulanka ayay mas’uuliyiinta labada dhinac ku go’aamiyeen qodoba hordhac ah oo lagu baajinayo in uu sii socdo dagaalka beelaha ku diriray galbeedka gobolka Mudug.

Go’aannada ka soo baxay kulanka ayaa waxa u horreeya in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo xabbadda islamarkaana labada maamul ee Puntland iyo Galmudug xaqiijiyaan hirgelinta xabbad-joojintaasi.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in mas’uuliyiinta labada maamul ay si wadajir ah ugu baxaan aagagga maleeshiyaadku isku hor fadhiyaan si loo kala raro.

Ugu danbayn in dib loo bilaabo wadahalladii islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo fidiyo gogol nabddeed oo la isugu keeno dhinacyada colaaddu dhextaal.

Exit mobile version