Site icon Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

NAIIROBI & OLOLAHA DOORASHADA GALMUDUG.

NAIIROBI & OLOLAHA DOORASHADA GALMUDUG.

Nairobi ayaa xilligaan la joogo u muuqata goobta ugu muhiimsan ee uu ololaha doorashada Galmudug ka ibo-furtay.

Horay Nairobi waxaa ugu furnaa labo jikoooyin oo doorasho ah oo ay kala leeyihiin Dr. Koofi iyo Ganacsade Liibaan.

Maanta kooxda ololaha dib-udoorashada madaxweyne Qoorqoor ayaa iyaguna magaalada jikadii seddexaad magaalada ka furtay.

Dhoolatus miisaankiisu aad u sarreeyo ayay garoonka ku soo galeen. Ciyaaryahaynka uu Qoorqoor captanka kooxdiisa u soo xiray waa Mohamed Kasim Turaabi oo isku ah Ugaaska Qoorqoor iyo been-ma-sheegaha Qoorqoor labadaba.

Dhammaan maamul goboleedyada waxaa bisha July ka billaabanaya doorashooyinkii maadaama ay Axmed Madoobe iyo Laftagareen gareen doorasho aadeen lana filayo in maalmaha iyo saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonaan guddiyadii doorashada kuna dhawaaqi doonaan inuu buray heshiiskii iyaga iyo dowladda.

Waxaan eegi doonnaa saameeynta kooxda ololaha dib-u-doorashada madaxweyne Qoorqoor ee reer Cadaado oo Nairobi ka soo daahay waxa ay ka badali doonaan suuqa doorashada Galmudug ee Nairobi ka furan.

Wax lakala dheefaba dhankaas iyo doorasho ayaa loo dhaqaaqay.

Exit mobile version