• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
  • News English
  • Opinion
  • Warka
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Qormo ku saabsan Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018
Warka

Qormo ku saabsan Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018

Qaran24By Qaran2410 July 2024No Comments3 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018
Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018Qormo ku saabsan Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo dhowr sano ka hor u muuqday xiddigga geeska Afrika, ayaa wajahaya cidlo iyo kallinmo siyaasadeed, kaddib is-afgaradkii muranka dhaliyay ee 1-dii Janaayo 2024 uu la galay Maamulka Somaliland.

Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018 wuxuu u muuqday nin furfuraya nidaamka siyaasadeed ee Itoobiya, u janjeera dhanka Dimoqraadiyadda , xuuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka. Nin u heellan xoojinta iskaashiga Geeska Afrika, xallinaya khilaafaadkii kala dhexeeyay Eritria, Sudan iyo Masar. Waxaa la siiyay billadda nabadda Nobel Peace Prize.

Shan sano kaddib, Itoobiya waxay gashay xaalad mugdi ah.

1- Dhanka xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, wuxuu xabsiga dhigay hoggaamiyaashii qowmiyadaha kala duwan, gaar ahaan kuwii Oromada sida Jawar Mohamed iyo Lemma Megressa, oo mar danbe la soo daayay.

2- Dagaalkii ugu weynaa ee ka dhaxca geeska Afrika ayuu la galay qowmiyadda Tigreega (800kun ayaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay), waxaana dagaallo adag ay ka socdaan dhulalaka qowmiyadaha Amxaarda, Cafarta, Oromada iyo Soomaalida. Itoobiya waa dalka ay wali ka socdaan dagaallada ugu dhimashada badan Geeska Afrika. Todobaadkii hore boqolaal arday ah oo Qowmiyadda Amxaaraa u dhashay ayaa la afduubay.

3- Xiriirka Abiy uu la leeyahay Eretria ayaa meeshii ugu hoooseeysay maraya. Dhanka kale Abiy ayaa la jirsaday fallaagada Suudaan ee Maleeshiyaadka Xammidati, iskuna dayay inuu maja-xaabiyo dowladda uu hoggaamiyo General Burhan ee caalamku aqoonsan yahay. Xiriirka Masar ayaa isagana meeshi ugu hooseysay maraya, iyadoo colaadda labada dal ay waligeed ahayd mid ku dhisan istiraatiyadda biyaha iyo saamaynta labada dal ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

4- Soomaaliya oo muddo dheer u muuqatay dowlad burburtay, iskana ilaalin jirtay ku milanka siyaasada gobolka, ayaa si xoog leh u gashay loollan, kadib markii uu Abiy ku dhiiraday damaca uu ku doonayo inuu ku helo Bad iyo bariba.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si aan gabbasho lahayn u muujiyay mowqifka dowladdiisa, Itoobiyana ku tilmaamay cadowga Soomaaliya.

Dad badan waxay fillayeen in Abiy Axmed maciinsan doono Imaaraadka oo siyaasaadka Geeska raad ku leh. Waxaase muuqato in Imaaraadka ka gaabsaday inuu ka muuqdo arrintan aad xasaasiga uga ah dowladda Soomaaliya dhankeeda. Badalkeeda Itoobiya waxay u dhaqaaqday dhanka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya sida Qatar, Sacuudiga iyo Turkiga, iyadoo codsanayso in la dhexdhexaadiyo iyaga iyo Soomaaliya.

Soomaalida ayaa aaminsan in orodka Itoobiya ujeedadiisu tahay in la kala irdheeyo Soomaaliya iyo saaxiabadeed haddii ay wadahadal diiddaan, waana tan ku khasabtay in Soomaliya go’aansato wadahadl aan toos ahayn inay u tagto Ankara biloowgii bishan. Turkiga ayaa u muuqda inuu fahmay qasadka Itoobiya, horayna heshiis difaac badda ah la galay Soomaaliya.

Guuldarrooyinka Abiy ku dhacay billihii la soo dhaafay, ayaa si cad u muuqday, markii uu shalay u tagay Jeneral Burhaanka Sudan oo xarun ka dhigtay magaalada Port Sudan.

Booqashada Abiy waxay ka dhigan tahay inuu ka soo weecday jidkii maleeshiyada Dacmu Sariic ee Xamiidati uu hoggaamiyo, lana aaminsan yahay in Imaaraatku ay taageeraan, isla markaana uu la macaamilayo dowladda sharciga ah ee Sudan.

Waxaa isweydiin mudan mar haddii Abiy Ahmed uu ku dhacay heehaab siyaasadeed, Adduunkana uu go’doon ka galay, saaxibbo badan oo Gobolka ku waayay habdhaqankiisa fudeedka iyo qiyaanada ku dhisan in bal markaan inuu tallaab kale oo aan laga filaneyn inuu qaado, marka la eego culeysyada gudaha iyo dibadda ee xilligan heysta.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Facebook
  • Linkedin
  • VK
  • Youtube
  • Instagram
© 2026 Qaran24. Designed by Osman Omar.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.