• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter)
X (Twitter)
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Saturday, December 13
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » Qormo ku saabsan Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018
Warka

Qormo ku saabsan Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018

Qaran24By Qaran2410 July 2024No Comments3 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018
Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018Qormo ku saabsan Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo dhowr sano ka hor u muuqday xiddigga geeska Afrika, ayaa wajahaya cidlo iyo kallinmo siyaasadeed, kaddib is-afgaradkii muranka dhaliyay ee 1-dii Janaayo 2024 uu la galay Maamulka Somaliland.

Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018 wuxuu u muuqday nin furfuraya nidaamka siyaasadeed ee Itoobiya, u janjeera dhanka Dimoqraadiyadda , xuuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka. Nin u heellan xoojinta iskaashiga Geeska Afrika, xallinaya khilaafaadkii kala dhexeeyay Eritria, Sudan iyo Masar. Waxaa la siiyay billadda nabadda Nobel Peace Prize.

Shan sano kaddib, Itoobiya waxay gashay xaalad mugdi ah.

1- Dhanka xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, wuxuu xabsiga dhigay hoggaamiyaashii qowmiyadaha kala duwan, gaar ahaan kuwii Oromada sida Jawar Mohamed iyo Lemma Megressa, oo mar danbe la soo daayay.

2- Dagaalkii ugu weynaa ee ka dhaxca geeska Afrika ayuu la galay qowmiyadda Tigreega (800kun ayaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay), waxaana dagaallo adag ay ka socdaan dhulalaka qowmiyadaha Amxaarda, Cafarta, Oromada iyo Soomaalida. Itoobiya waa dalka ay wali ka socdaan dagaallada ugu dhimashada badan Geeska Afrika. Todobaadkii hore boqolaal arday ah oo Qowmiyadda Amxaaraa u dhashay ayaa la afduubay.

3- Xiriirka Abiy uu la leeyahay Eretria ayaa meeshii ugu hoooseeysay maraya. Dhanka kale Abiy ayaa la jirsaday fallaagada Suudaan ee Maleeshiyaadka Xammidati, iskuna dayay inuu maja-xaabiyo dowladda uu hoggaamiyo General Burhan ee caalamku aqoonsan yahay. Xiriirka Masar ayaa isagana meeshi ugu hooseysay maraya, iyadoo colaadda labada dal ay waligeed ahayd mid ku dhisan istiraatiyadda biyaha iyo saamaynta labada dal ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

4- Soomaaliya oo muddo dheer u muuqatay dowlad burburtay, iskana ilaalin jirtay ku milanka siyaasada gobolka, ayaa si xoog leh u gashay loollan, kadib markii uu Abiy ku dhiiraday damaca uu ku doonayo inuu ku helo Bad iyo bariba.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si aan gabbasho lahayn u muujiyay mowqifka dowladdiisa, Itoobiyana ku tilmaamay cadowga Soomaaliya.

Dad badan waxay fillayeen in Abiy Axmed maciinsan doono Imaaraadka oo siyaasaadka Geeska raad ku leh. Waxaase muuqato in Imaaraadka ka gaabsaday inuu ka muuqdo arrintan aad xasaasiga uga ah dowladda Soomaaliya dhankeeda. Badalkeeda Itoobiya waxay u dhaqaaqday dhanka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya sida Qatar, Sacuudiga iyo Turkiga, iyadoo codsanayso in la dhexdhexaadiyo iyaga iyo Soomaaliya.

Soomaalida ayaa aaminsan in orodka Itoobiya ujeedadiisu tahay in la kala irdheeyo Soomaaliya iyo saaxiabadeed haddii ay wadahadal diiddaan, waana tan ku khasabtay in Soomaliya go’aansato wadahadl aan toos ahayn inay u tagto Ankara biloowgii bishan. Turkiga ayaa u muuqda inuu fahmay qasadka Itoobiya, horayna heshiis difaac badda ah la galay Soomaaliya.

Guuldarrooyinka Abiy ku dhacay billihii la soo dhaafay, ayaa si cad u muuqday, markii uu shalay u tagay Jeneral Burhaanka Sudan oo xarun ka dhigtay magaalada Port Sudan.

Booqashada Abiy waxay ka dhigan tahay inuu ka soo weecday jidkii maleeshiyada Dacmu Sariic ee Xamiidati uu hoggaamiyo, lana aaminsan yahay in Imaaraatku ay taageeraan, isla markaana uu la macaamilayo dowladda sharciga ah ee Sudan.

Waxaa isweydiin mudan mar haddii Abiy Ahmed uu ku dhacay heehaab siyaasadeed, Adduunkana uu go’doon ka galay, saaxibbo badan oo Gobolka ku waayay habdhaqankiisa fudeedka iyo qiyaanada ku dhisan in bal markaan inuu tallaab kale oo aan laga filaneyn inuu qaado, marka la eego culeysyada gudaha iyo dibadda ee xilligan heysta.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleMaxaa ka jira in Xildhibaan Faarax Macalin laga Saaray Xisbigii uu ka tirsanaa.
Next Article Somali Parliament,Assessing AccountabilityLegal Implications of a Non-Attending MP
Qaran24
  • Website

Related Posts

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

13 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad

11 December 2025
Boorma war

Waqooyiga Somalia: Dib-u-Habaynta Awoodda Qabiilka oo Furaysa Cutub lagu Fasiri Kari Waayey Muddo 34 Sano Ah

6 December 2025
Somaliland Waa  Aalad Siyaasadeed Iyo  Qorshe Lagu Fashilinayo Dowladnimada Soomaaliya.

Somaliland Waa  Aalad Siyaasadeed Iyo  Qorshe Lagu Fashilinayo Dowladnimada Soomaaliya.

20 November 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday? Warka

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

By Osman Omar13 December 20250

Digniin amni, xaqiiqo qaraar, iyo xal cad. WhatsApp waa sida albaabka gurigaaga dijitaalka ah. Haddii…

Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere

Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere

13 December 2025
Awdal State can end 30 years of secession through three united forces

Awdal State can end 30 years of secession through three united forces

11 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad

11 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Boorama Slips Out of Somaliland’s Control After Three Days of Unrest

9 December 2025
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?
  • Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere
  • Awdal State can end 30 years of secession through three united forces
  • Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad
  • Boorama Slips Out of Somaliland’s Control After Three Days of Unrest
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
© 2025 ThemeSphere. Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.