Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Raiisal wasare Xamse oo la kulmay Boqor Burhaan.

Raiisal wasaare Xamse ayaa maanta ku booqday hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxayna ka wada hadleen sidii ay hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed u xoojin lahaayeen kaalintooda ku aaddan nabadda iyo xallinta khilaafaadka u dhexeeya bulshada.

Waxaan ku bogaadinayaa Dhaqanka Soomaaliyeed kaalinta muhiim ka ah ee ay ka qaadanayaan nabadda iyo dejinta dagaallada u dhexeeya qaar kamid ah beelaha, si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad iyo horumar waara.

Xukuumadda Dan Qaran waxa ay mar walba u taagan tahay sidii hoggaamiyeyaasha dhaqanka loogu taageeri lahaa doorkooda ku qotoma midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan

Exit mobile version