Sunday, September 8

Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee 2024

Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee 2024, oo dhowaan lagu qabtay magaalada Doha, Qatar, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Soomaaliya, wuxuu u muuqday mid u adeegaya olole siyaasadeed oo koox gooni ahi wadatay. Kuma uusan ekaan mid u adeegaya danaha dhabta ah ee dalka Soomaaliya. Waxayna ahayd nasiib darro weyn in aan shirka laga soo qaybgelin Macawisleey diaspora, oo runtii ahaa kuwii naf iyo maalba u huray ka qaybqaadashada dib u xoreynta dalka ay dowladdu wadday taas oo lagu xoreeyey dhul aad ballaaran. Nasiibdarada kale waxay ahayd maqnaanshaha ajendaha Qurbajoogta Macawisley ee shirka oo isna ahaa qalad weyn oo shirkan ka dhacay. Maamulayaasha shirka ayaa ku guuldaraystay inay aqoonsadaan kaalinta muhiimka ah ee Qurbajoogta Macawisley ay ka ciyaareen xoreynta dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

Qurbajoogta Macawisley waxay door muhiim ah ka ciyaareen taageeridda dhaqaale ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaareen in ay dunida ka dhaadhiciyaan in Al-Shabaab looga adkaan karo oo kaliya in la abaabulo bulshada lana abuuro Macawisley, taas oo Somali iyo ajnabi badan ku doodeen kuna fureen dacaayad xunxun kadib markii dowladdu go’aansatay in ay taageerto ciidanka Macawisleyda ah, waxaana laga faafiyey warbixno aad u xun Macawisleeyda dagaalka kula jirta Al-Shabaab, taas oo inta badan lagu soo bandhigay baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku xirirto. Fikradaha qaldan ee qolooyin isugu jiray shisheeye iyo Somali ayaa muujinayay inay Macawisley yihiin qabiil gooni ah, in Macawisleyda hubka dowladda oo kaliya u adeegsanayaan danahooda kuna weerarayaan qabiilo kale. Laakiin Qurbajoogta Macawisley waxay si hagar la’aan ah ugu shaqeeyeen inay saxaan sheekadan khaldan iyagoo adeegsanaya maqaalyo iyo ololeyaasha baraha bulshada. Waxay muujiyeen in Macawisley yihiin ciidan difaac u ah dadweynaha, dagaallamaya una adeegaya danta guud ee dalka, sida in loo adeegsado in Al-Shabaab dagaalkooda laga hortago iyo waliba in loo sii carbiyo haddii Ethiopia ay joojin weydo daandaansiga ay ka wado gobollada waqooyi ee dalka. Maadaama ciidankeenu uu aad u yar yahay, Macawisley waxay noqon karaan xoogag difaaca dalka sidoo kale saldhig u ah nabadgelyada iyo amniga dhammaan Soomaalida.

Ka dib dadaal dheer oo ay galeen Macawisleeyda Qurbajoogta ah, maanta Macawisley waxaa loo aqoonsaday inay yihiin laf-dhabarta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xaqiiqadan oo ay aqoonsadeen Soomaalida gudaha iyo dibadda. Si kastaba ha ahaatee, guuldarrada dowladda Soomaaliya ee ah inay ku casuuman shirka waxay ahayd khalad weyn. Qurbajoogta Macawisleyda ah waxay dhiigooda u hureen dalka; qaarkood ayaa ku nafwaayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kuwo kalena waxay ku kaabayeen dhaqaale iyo talooyin wanaagsan. Marka waa laga faa’iidi lahaa sidii wadanka labada cadow looga difaaci lahaa, waa Al-Shabaab iyo daandaansiga Ethiopia. Taa beddelkeeda, dowladda Soomaaliya nasiib darro waxay casuuntey dad aan sameyn lahayn sida YouTubers iyo qolyada baraha bulshada dadka ka caaya. Inkastoo aqoonyahano badan ay shirka yimaadeen hadana Macawisleey waxay ahayd in ay noqoto ajendaha koowaad ee shirka. Go’aankaas khaldan ee aan lagu casuumin shirka Qurbajoogta Macawisleeyda waxaa uu muujinayaa in ay jiraan dad dowladda ka shaqeeya oo canshuurta dalka mushaar u qaata haddana cuuryaaminaya danaha guud ee dalka iyo in laga adkaado Al-Shabaab. Macawisley qurbajoogta ah waxay bixin lahaayeen tusaalooyin iyo sida la isugu xirrikaro meelaha aan wali laga aas-aasin Macawisley wadanka si looga adkaado Al-Shabaab, maadaama ay xiriir aad u dhow la leeyihiin Macawisleyda dagaalka ku jirta.

Ka qaybgala la’aanta shirka Qurbajoogta Macawisley waxay muujinaysaa fursad la lumiyey oo dowladda Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd inay la falgalaan koox muhiim ah oo u heellan amniga iyo mustaqbalka dalka. Ku darista Qurbajoogta Macawisleyda ah shirarka mustaqbalka iyo guddiyada diiradda saaraya qurbajoogta Soomaaliyeed waxay ka caawin lahayd dowlada inay ka faa’iideysto kuna sii dhiiragaliso in qurbajoogta Macawisley ay sii laba jibaaraan howsha qaran ee wadan loo hayo dibadda iyo gudaha. Waxaa la rajeynayaa in dowladda Soomaaliya ay saxdo qaladkan, oo door muhiim ah siiso Qurbajoogta Macawisley ee ka qaybqaadanaya dagaalka Al-Shabaab, ha ahaato lacag ay soo diraan ama inay dadka ku dhiirigeliyaan in waddanka ay ka qaybqaataan dagaalka./

452797233 1175078217157548 7647463937495315105 n

Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee 2024
Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee 2024

F6UToSWXgAAmtcn

Share.

Osman Omar is a versatile professional renowned for his expertise across multiple disciplines including OSINT investigation, cybersecurity, network management, real estate deals, HVAC consulting, applied sciences, and fact-checking. His multifaceted career reflects a dedication to excellence, innovation, and integrity.

Leave A Reply