Site icon Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Siyaasiyiinta Isaaqu iyagaa Somaliland ka sineystay. Dhibaatana iagaa ugu filan. 

Siyaasiyiinta Isaaqu iyagaa Somaliland ka sineystay. Dhibaatana iyagaa ugu filan. 
Siyaasiyiinta Isaaqu iyagaa Somaliland ka sineystay. Dhibaatana iyagaa ugu filan.

1》AHUN madaxweeyne Cigaal 1991 wuxu ka mid ahaa qabanqaabiyayaashii shirkii Jabuuti ee lagu dhisay “Dawladdi Manifesto” taasi oo AHUN Cali Mahdina loogu doortay madaxweyne, halka AHUN Cumar Carte Qaalibna loo doortay Raysal Wasaare, dabadeedna, Cumar Carte u magaacabay Cigaal wasiirkiisii Ganacsiga.

《1.1》1993 ayeey Cigaal iyo Cumar Carteba Somaliland ku soo laabteen. —Weliba intaanu Cumar Carte dalka ku soo laaban, intuu diyaarad shakhsi ah ka qaatay sucuudiga ayuu AHUN Siyaad Bare Nigeria ugu tagay, halkaasna lacag ugu geeyey.

《1.2》Cigaal iyo Cumar Carte shirkii Borama ee 1993 ayey xilkii Madaxweynanimo kula tartameen AHUN Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa madaxweeynihii u horeeyey ee Somaliland.《1.3》 Guuldaradii kadib, Cabdiraxmaan tuur iyo Wasiirkiisii Maaliyada AHUN Ismaaciil Hure Buubaa waxay ku biireen “Dawladdii Salbalaadh” ee Itoobiyaha lagu dhisay, taasi oo Caydiid madaxweyne ka noqday, halka ay Madaxweyne ku xigeenana ka noqdeen Cabdiraxmaan Tuur iyo AHUN Maxamed Faarax Cabdillaahi (Xasharo) oo reer Borama ahaa.

2》AHUN Maxamuud Cabdillahi Sifir oo ahaa Xoghayihii Arimaha Dibeda Xisbiga Kulmiye 2003, kadib markii Xisbigii UDUB helay doorashadii madaxtooyada ee 2003, wuxu iska dhiibay Xamar, isagoo noqday Raysal Wasaare ku Xigeen. 2010 markii Kulmiye xilka ku guuleystana wuxu ku soo laabtay Somaliland, waxana loo magacaabay Safiirkii Somaliland ee Kenya.

《2.1》Intaa waxa dheer in 2005 markii Doorashadii Baarlamanka Somaliland la qabtay, waxa Madaxweyne Daahir Rayaale lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo Gollaha Wakiillada Ingiriiska (house of commons), dabadeed wuxu ka codsaday wakhtigii Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye iyo Ku xigeenkiisii oo London joogay wakhtigaas —Waa Madaxweyen Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixiye— inay u raacaan madasha. Labadooduba codsigii Madaxweyne Rayaale way ka muquurteen, iyadoo weliba maalmo kadib Siilaanyo wareysi uu siiyey idaacadda BBC ku sheegay in qorshihii SNM aanu aheyn inay ka go’aan Somaliya.

《2.2》2009 Xukuumadii Daahir Rayaale waxay soo saartay go’aan uu saxaafadda la wadaagay Wasiiru Dawlihiisii Arimaha Dibedu, kaasi oo ahaa in aanu Siilaanyo dalka soo gali karin, maadaama uu soo saxeexay hadii uu Doorashadii 2010 Xisbiga Kulmiye ku Guuleysto inuu Somaliland ku darayo Federalka Somaliya. Ergooyin badan oo u tagay Madaxweyne Rayaale, kana baryey in Siilaanyo la cafiyo, kadib wuu ogalaaday in Siilaanyo dalka soo galo.

《2.3》2012 xukuumadii Siilaanyo waxay “Baarlamanka Somaliland” ka codsatay in la laalo, qodob dastuurka ku jiray oo dambi ka dhigayey in Somaliya lala kulmo, arinkaas oo sababay in shirkii London ee 2012 Somaliland la meeqaam noqoto ama ka mid noqoto Maamul Gobaleedyada Federaalka Somaliya.

3》2012, markii la galay Doorashadii Ururda Somaliland, seddex urur (Damal, NDP iyo Gurmad) oo soo bixi waayey, godoomiyaayashoodii waxay cadhadii u nafis doonteen Xamar.

《3.1》Maxamed Cumar Carte, Gudoomiyihii Ururkii Damal, markiiba waxa laga dhigay Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Somaliya, mudo ka dibna Foosiya Xaaji Aden, Gudoomihihii Ururka NDP ayaa loo magaacabay Raysal Wasaare ku Xigeenkii Somaliya, halka Nuur oo ahaa gudoomiyihii Ururka Gurmadna laga dhigay Wasiirkii Dekaddaha Somaliya.

4》Madaxweyne Muuse oo isaguna soo noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, wuxu ka mid ahaa gudi Cabdiraxmaan Tuur u saaray inay ka soo talo bixiyaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Somaliya iyo inay ka go’do. Gudidaas oo uu Gudoomiye u ahaa Saleebaan Gaal, Gudoomiyaha Guurtida Somaliland, waxay dhamaantood go’aamiyeen in Somaliya laga sii mid ahaado.

《4.1》February 2020, waxa xafiiska gaarka ah ee Raysal Wasaaraha Itoobiyee ku yaala Xaafadda Afaraad ee Addis-Ababa kulan gaar ah oo saacado socday ku yeeshay, Madaxweyne Muuse iyo Farmaajo. Maalmo kadib waxaynu maqalnay Madaxweyne Farmaajo ayaa Hargeysa ka soo degaya, iyadoo weliba xataa sida Cabdiqaadir Jirde oo reer Hargeysa ahi inoo sheegay roogii casaaa ee lagu qaabili lahaa Madaarka Hargeysa la geeyey.

《4.2》Axmed Keyse,Wasiiru Dawlihii Arimaha Dibedda ee Xukuumaddii Siilaanyo oo dhawaan Hargeysa saxaafadda kula hadlay wuxu sheegay in Muuse berigaa ogalaaday, kadib markuu Farmaajo ku qanciyey in Muuse Madaxweynaha Somaliya noqdo, Jamhuuriyaddii Soomaaliddana kol kale boodhka laga jafo. Sidaa si la mid ah, waxa saxaafadda isaguna la wadaagay Maxamed Dheere, Agaasimihii Madaxtooyada Somaaliya ee Xukuumadii Farmaajo oo reer Berbera ah.

《4.3》December 2023, waxa Djibouti ku kulmay Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya iyo Madaxweynaha Dawladda Somaliland, maalmo kadib, wasiirkii Arimaha Gudaha Federaalka Somaliya wuxu inoo sheegay in la kala saxeexday sidii Somaliya iyo Somaliland hal dawlad u wada noqon lahaayeen ma jirto cid Dawladda Somaliland ka tirsan oo arinkaa ka jawaabtay.

5》Intaa waxa dheer, Garyaqaan Caydiid Cabdillahi (Ilka xanaf) Wuxu ahaa Garyaqaankii Guud ee Somaliya, wuxu ahaa nin reer Somaliland ah. Waxa lagu badaley Ibraahin Iidle Saleebaan oo markii la magacaabayay ka tirsanaa Xukuumada Kulmiye, isla marka la magaacabayeyna ahaa Garyaqaankii Guud ee Dawladda Somaliland. Isagana waxa lagu bedelay Baashe Yuusuf Axmed oo xukuumadii Siilaanyo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada, intaanu xamar tagina wuxu xil muhiim ah ka hayay Xisbiga Waddani, isagoo ahaa Agaasimihii Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani.

Ruwaayadani waa lacag la’aan, waxana la jilayey dhawr iyo sodon sano.

WQ: Abdirahman Mohamed Ibrahim

cabdiraxmanmid@gmail.com

Exit mobile version