Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

1Da Luulyo Madaxweynaha JFS ayaa Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha JFS ayaa Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho, 01 July 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo Midowga Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya aywgeed Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo kala gedisan oo tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. kuwaasi oo soo bandhiggay gaado ka cayaar iyo dhoolatus ay muujinayeen cududa, Awooda iyo Qalabka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen Gawaarida kala gedisan ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Diyaarado Qumaatiga u kaca oo hawada sare hee-haabayay kuwaasi oo shacabka u daadinaayay warqado ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ka turjumaayay xuska 1-da Luulyo.
Exit mobile version