Site icon Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

UK: Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guulaystay

UK: Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi.

Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn.

Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.

Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.

Exit mobile version