Site icon Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Wadahadalo u dhaxeeya DFS iyo Ethiopia oo ka furmi doona Dalka Turkiga.

Addressing Ethiopia Delusional Behaviour: Combating Destabilization and Terrorism

Addressing Ethiopia Delusional Behaviour: Combating Destabilization and Terrorism

8Wadahadalo u dhaxeeya DFS iyo Ethiopia oo ka furmi doona Dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdiga la socda ayaa maanta u ambabaxay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an mabaadi’deeda adag ee ilaalinta madaxbanaanida, midnimada dhuleed, iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa muuqata in dowladda badashay go’aankii ahaa lama fariisanayno Itoobiya ilaa ay burburiso heshiiskii Abiy iyo Biixi. Balse ilo xog ogaal ah ayaa muujinaya in Turkigu sheegay in uu dhex dhexaadinayo labada dhinac lana dhamaynayo muramka iyada oo Itoobiya loo samaynayo “sumcad ilaalin” face-saving.

Exit mobile version