Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka carbeed ee Manama.

Manama, May 14, 2024 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah kaga qeybgalay Magaalada Manama ee Caasimadda Boqortooyada Baxreen, Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Golaha Jaamacadda Carabta oo gogol-xaar u ah Shir madaxeedka Carbeed, meertadiisa caadiga ah ee 33aad.

Wasiir Fiqi ayaa inta uu kulanka socdo la kulmi doona tiro ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ee walaalaha ah, iyadoo la filayo in shirku ka soo baxo go’aanno lagu taageerayo Soomaaliya.
Inyar kahor inta aanu shirku furmin, waxaa qabsoomay kulamo is-xigay oo Guddiyo heer Wasiir ah ay ku fallanqeeyeen dhowr arrimood.

Waxaa kulanka heer Wasiir ee Carbeed uu qaadaa-dhigayaa dhowr qodobo oo la doonayo inay ka mid noqdaan ajandayaasha go’aannada ka soo bixi doona Shir madaxeedka Carbeed.

Share.

Abdikarin Dahir serves as Coordinator public relations efforts, engaging with local communities and the Somali diaspora, and promoting Somali government initiatives and policies.

Leave A Reply