Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka prf. Jawaari

Muqdisho: Waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu saraysa Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Cabdi Barre , Guddoomiye Aadan Madoobe iyo qaar kamid ah Eheladiisa ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay Guddoomiye hore Jawaari oo lagu tilmaamay Nin Dowladeed oo ka baxay Qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Exit mobile version