Sunday, September 8

Waan ka raalligelinayaa dawladda iyo shacabka Jabuuti hadalka ka soo yeedhay Muuse Biixi ee hanjabaadda ah. Jabuuti wax badan ayey tartay dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada waqooyi 30-kii sano ee u dambeeyey. Ma filayn in Muuse uu sidan ugu abaal dhici doono Jabuuti.

Muuse Biixi waxa uu sidoo kale u muuqdaa in uu u tafaxaydanayo colaad ka dhacda gobolka Awdal, laakiin waxaan u sheegayaa in la is ka difaaci doono gardarradiisa oo aanay reer Awdal aqbalayn in dhulkooda lagu wareejiyo dal shisheeye oo cadaw ah. Oday Muuse kuma cibro qaadan wixii uu ka sameeyey Laascaanood, iyo guuldarradii ka raacday oo waa kaa Weli u oomman dhiig Soomaaliyeed.

Muuse bixii ayaa yiri ” Waxaan arkayay jabhado Jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, haday Jabuuti sidaa la noqotay, waxay noqoto ayaynu sugaynayaa” Madaxwayne Muuse Biixi.

WQ: Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf

Share.
Leave A Reply