Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Ansixiyay Hawlgalka Nabadsugidda Cusub ee Soomaaliya
NEW YORK (Qaran24) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ansixiyay hawlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – oo loo yaqaan AUSSOM – kaas oo beddeli doona hawlgalkii hore ballaaran ee ladagaalanka argagixisada kaas oo Midowga Afrika uu hogaamindoono laga bilaabo 1-da Janaayo 2025.
Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah maalgeliyeyaasha ugu waaweyn ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxay doonayeen in la yareeyo tirada ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika sababo la xiriira walaaca ku saabsan maalgelinta muddo-dheer iyo waarta, sida ay ilo wareedyo u sheegeen Qaran24 bishii Juun. Waxay sidoo kale sheegeen in wadahadallada ku saabsan ciidanka cusub ay ahaayeen kuwo adag.
Dowladda Mareykanka ayaa ka aamustay codbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii iyada oo sabab uga dhigaysa walaaca ku saabsan maalgelinta. 14-ka xubnood ee kale ee golaha ayaa si buuxda u ansixiyay qaraarka.