• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Facebook X (Twitter) Instagram Threads
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram YouTube
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
HOT TOPICS
  • Warka
  • Opinion
  • News English
qaran24.com » Opinion » Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan
Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan

Soomaaliya waa dal soo maray marxalado siyaasadeed oo adag , kacaankii militariga, burburkii dowladnimo, nidaam beeleed aan xeer lahayn, iyo dadaallo badan oo dib-u-dhis ah. Maanta, mar haddii dalku leeyahay dastuur, baarlamaan, doorashooyin, iyo madax la doorto, waxaa muhiim ah in la qiimeeyo kaalinta xisbiyada siyaasadeed ee ku saleysan sharci iyo nidaam.

Abuurka xisbiga cusub ee JSP (Xisbiga Cadaaladda iyo Midnimada) ee uu hor kacayo Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu keenay su’aalo muhiim ah: Ma la wada joogi doonaa mise waa la kala bixi doonaa sida kooxihii hore?

Dadka qaar ayaa ka hadlay khilaafyada taariikheed ee horyaallay Soomaalida: golihii sare ee kacaanka, ururadii jabhadaha, maxaakiimtii Islaamiga ah, xisbiyadii kala irdhoobay, kuwaas oo dhammaantood lagu tilmaami karo kuwa isla dhameysan waayey

Balse, su’aasha aan halkan kaga jawaabeyno waa: ma jiraan sababo sharci iyo siyaasad ku dhisan oo suurtagelin kara in JSP noqdo mid ka duwan kuwii hore? Jawaabtu waa haa.

Xisbiga UDP  Tusaale la Hayo oo La Tijaabiyey

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo saaxiibadiisa siyaasadeed waxay sameeyeen xisbiga UDP, kaas oo muddadii uu jiray uu ahaa xisbi nidaamsan oo u shaqeeya sida mucaarad iyo sida xisbi xukun haya. Waxaa la  wada joogay xilliyo adag oo mucaaradnimo ah, waxaana la sii joogay markii talada la qabtay.Taasi waxay tusaale u tahay in haddii la dhiso xisbi sharciyeysan, leh xeerar gudaha ah, nidaam hoggaamineed, iyo karti hoggaamineed, in uu socon karo. Waa la hayaa waaya-aragnimo lagu tiirsanaan karo.

Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan
Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan

 

Xuquuqda Dastuuri ee Xisbiyada – Qodobka 22aad

Qodobka 22aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu damaanad qaadayaa in muwaadinku leeyahay xaqa uu ku aasaasan karo, ku hoggaamin karo, ama ku biiri karo xisbi siyaasadeed. Dastuurku wuu oggol yahay in la sameeyo xisbiyo, lagana qayb qaato hanaanka siyaasadeed si xor ah, sharci ah, oo furan.

Haddaba, dadka ka cabsanaya dhismaha Ururka JSP waxay u baahan yihiin in ay fahmaan: xisbi siyaasadeed oo la dhisayo maanta ma aha burbur ee waa koritaan. Ma aha khilaaf ee waa karti siyaasadeed.

Siyaasi Ma Tahay Haddii Aadan Xisbi Lahayn?

Siyaasadda casriga ah ee dimuqraadiga ah waxaa saldhig u ah xisbiyada siyaasadeed. Qof sheeganaya siyaasiyiinimo, balse aan lahayn xisbi, barnaamij siyaasadeed iyo nidaam sharciyeysan, waa siyaasi aan rasmi ahayn. Waa inuu jiro hannaan la fahmi karo, hoggaan lala xisaabtami karo, iyo madal uu codkiisa ku muujiyo.Mucaaradnimo sax ah ma ahan qoraallo iyo hadallo meel loola jeedo ee waa dareen siyaasadeed oo loo beddelo xisbi sharciyeysan, leh barnaamij cad iyo dad hoggaaminaya.

Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan
Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan

Soomaalida iyo Cabsi Siyaasadeed: Is Barbar Dhig aan Waqtigeeda Joogin

Marka laga hadlayo xisbiyada cusub, dad badan waxay dib u xasuustaan xukunkii keli-taliska ahaa ee kacaanka, halkaas oo hal xisbi uu dalka xukumayay muddo dheer. Balse waa in la ogaadaa: maanta waa xilli sharciyeysan.

Soomaaliya waxay leedahay:

⮚ Dastuur si kumeelgaar ah u shaqeynaya
⮚ Guddi doorasho madax-bannaan
⮚ Xeerar nidaamiya awoodaha xisbiyada
⮚ Golayaal sharci-dejin oo lagala xisaabtamo dowlad kasta

Waxaa la joogaa xilli aan wax lagu xukumin cabsi iyo shaki ee lagu maamulo sharci iyo tartan.

Tartanka Xisbiyada Waa Furaha Dimuqraadiyadda

Haddii dadka mucaaradka sheeganaya aysan keenin xisbi sharciyeysan oo barnaamij leh, ma jiraan. Dimuqraadiyadda micnaheedu ma aha in la cambaareeyo cid walba ee waxay tahay in la keeno xal kale, la diyaariyo qorshe siyaasadeed, lana codsado kalsoonida shacabka.

Xisbiga JSP wuxuu noqon karaa mid wax ka beddela dhismaha xisbiyada Soomaaliyeed, haddii uu yeesho:

● Xeerar gudaha ah oo daahfuran
● Guddiyo madax-bannaan oo dabagal sameeya
● Is-xisaabin joogto ah
● Furfurnaan siyaasadeed iyo ka qaybgal dadweyne

Legal Realism: Sharci, Siyaasad iyo Qabiil

Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan
Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan

Fikirka Legal Realism wuxuu sheegaa in sharcigu ku shaqeeyo si ka turjumaysa nolosha dhabta ah , oo aysan ku filnayn erayada qoraalka ah oo kaliya. Marka laga eego doodaha ka dhanka ah xisbiga JSP, waxaa muuqata in qaar badan aysan sal ku lahayn sharci, balse ay yihiin dareenno ku saleysan qabiil, eex, nacayb shaqsiyeed, iyo xasaasiyad siyaasadeed.

Qaar ka mid ah dadka diidan madaxweynaha ama xisbiga JSP ma diiddana siyaasadda lafteeda, balse waxay kasoo horjeedaan cidda wadata ama halka ay kasoo jeeddo. Tani waxay meesha ka saaraysaa dood sharciyeed ee caafimaad qabta . Siyaasad lagu hagayo dareen beeleed marna ma dhisi karto ummad, mana gaarsiin karto dowladnimo. Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Aqoonyahannada Qabiileysan ama Shaqadoonka ah: La Imaada Aragti Siyaasadeed Waxaa isa soo taraya dad sheeganaya mucaaradnimo, balse aan keenin barnaamij siyaasadeed, xisbi sharciyeysan, ama aragti wax ka beddeli karta waxa jira. Dadkaasi waxay ku ekaadaan hadal iyo dhaliil joogto ah, iyagoo aan la imaanin wax la taaban karo.

Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan
Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan

Siyaasadda ma aha kaliya in la cambaareeyo xisbiga kale, ee waa in la keenaa:

▪ Xisbi la tartami kara
▪ Qorshe siyaasadeed oo cad
▪ Aragti beddeli karta dareenka shacabka

Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin badan oo maanta dhaliilaya JSP, run ahaantii, ma diiddana fikir siyaasadeed ee waxay diiddan yihiin cidda wadata, ama mucaaraddadooda waxay ku saleysan tahay shaqo raadis. Sidaas darteed, haddii mucaaradnimadoodu tahay mid dhab ah, waa in ay keenaan madal siyaasadeed sharciyeysan oo tartan geli karta.

Dimuqraadiyaddu waxay ku fidsantaa tartan furan, ma aha eed joogto ah.

Gunaanad: JSP Waa Fikrad Cusub oo Soomaaliya U Baahan Tahay

Xisbiga JSP ma aha oo kaliya urur siyaasadeed cusub wuxuu matalayaa aragti siyaasadeed oo casri ah, sharciyeysan, laguna dhisayo kalsooni, midnimo, iyo cadaalad. Waa fursad ay Soomaaliya ku qabsan karto waddada dimuqraadiyadda ee dhabta ah, una gudbi karto siyaasad nidaamsan oo la xisaabtameysa cid kasta oo talada haysa.

Soomaaliya uma baahna siyaasad ku dhisan eex, nacayb ama xusuus kali-talisnimo. Waxay u baahan tahay siyaasad cusub oo lagu dhiso aragti, nidaam iyo qiyam.

Xisbiga JSP waa billaw wanaagsan oo ku dayasho mudan. Waa baaq ku saleysan siyaasad ku dhisan afkaar midaysan, mid dalka ka saarta qabiil siyaasadaysan, kuna qotonta karti, sharci iyo cadaalad.

Waa waqtigii fikirka cusub lagu dhisi lahaa mustaqbalka ifaayo.

Follow on Google News Follow on Flipboard
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link
Previous ArticleXisbiga Cusub ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh – Tallaabo Sharci ah oo Geesinimo Siyaasadeed ku Dhisan
Next Article May 18: When the Flag of Secession Becomes a Shroud
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
  • X (Twitter)

Abdullahi M Hassan ( Abdullahi Yabarow), Legal Researcher, Co-founder and Director of the Federal Dialogue, the National Unity Programme, and the Legal Office at Mowlac Forum, a Somali-based research organisation. He holds a Master of Laws (LLM) and is a legal researcher, political scholar, and international legal advisor. His expertise includes public international law, human rights law, and federal dialogue processes, focusing on legal reform, governance, and state-building in post-conflict and transitional contexts. Abdullahi remains dedicated to advancing inclusive governance, legal development, and the rule of law through research, advocacy, and strategic legal counsel at national and international levels.

Related Posts

BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH

16 October 2025

Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

11 October 2025

Kismayo Meeting: President Hassan Sheikh’s Calculated Move Exposes the Fault Lines of Somali Politics

6 October 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Somalia

ICG’s Blindfolded View of a Rising Somalia

Osman Omar18 October 2025

The latest report from the International Crisis Group reads less like research and more like…

BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH

When Security Becomes a Political Weapon

No Money, No Representation: Advocate Yabarow

Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • ICG’s Blindfolded View of a Rising Somalia
  • BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH
  • When Security Becomes a Political Weapon
  • No Money, No Representation: Advocate Yabarow
  • Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.