Gobolka Awdal ma aha meel lagu tijaabiyo siyaasad aan qaan-gaarin. Waa marin istaraatiiji ah, waa xuduud muhiim u ah gobolka, waa dhul ay isku galaan laba dal iyo laba qabiil oo taariikh dheer wadaaga. Haddii laga rabo in Awdal looga saaro gooni-u-goosadka in ka badan 30 sano ku qotoma, halmid waa in ay lahelaa : saddex awoodood waa inay gacmaha is qabsadaan—dawladda federaalka, bulshada Awdal, iyo qabiillada deegaanka.
Haddii midkood ka daaho, qorshuhu wuu dumayaa. Haddii saddexdu midoobaan, Awdal wuu ka baxayaa gacanta gooni-u-goosadka.
1. Dowladda Federaalka: Siyaasad Cad oo Aan Ku Dhisnayn Danaysi
Waxaa la isku qiray in Awdal aysan ku filneyn hadallo ku saabsan “midnimo.” Gobolka wuxuu u baahan yahay siyaasad cad, mid lagu adkeeyo xasilloonida Lawyacaddo ilaa Boorama, halkaas oo dhaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa xuduudaha ay ka bilowdaan.
Soomaaliya waa inay qaadataa siyaasad:
- si dadban ula jaanqaadda danaha Djibouti, maadaama Awdal uu yahay meel ay labada dal dan ka wada leeyihiin;
- awood u siinaysa Dowladda Federaalka inay tidhaahdo:
“Djibouti, xuduudkan ilaaliya—dan ayey u tahay labada dal in gooni-u-goosadka la xannibo.”
Waa siyaasad ay dal walba isticmaalo marka xadka lagu muransan yahay.
Natiijada: Siyaasad federaal oo qeexan → Djibouti oo aragta dan → xasillooni ka abuuranta gobolka → gooni-u-goosadku hoos u dhacaya.
2. Bulshada Awdal: Qorshe Cad oo Aan Ku Dhisneyn Qabiil
Dadka Awdal ee taageersan midnimada Soomaaliya ma joogi karaan Facebook oo keliya; waxaa laga filayaa in ay keenaan:
- Plan A: Qorshe siyaasadeed oo la shaqeynaya Dowladda Federaalka.
- Plan B: Qorshe amni iyo siyaasadeed oo la jaanqaadaya danaha waddamada deriska, isla markaana aan wax u dhimayn midnimada Soomaaliya.
Qorshahani waa inuu si cad u qeexaa:
- Maxay Djibouti uga dan leedahay Awdal?
- Maxay Soomaaliya uga dan leedahay Awdal?
- Maxay yihiin khataraha amni ee gobolka?
Adduunka maanta, darisnimadu waxay ku shaqeysaa dan wadaag, ee ma aha kalgacal siyaasadeed.
3. Qabiillada Gobolka: Ciise iyo Samaroon Waa Inay U dhaqmaan Si Xigmad Leh
Qabiilka Ciise iyo Samaroon waa dhidibka Awdal; labaduba waxay leeyihiin dhul, xaq, iyo miisaan siyaasadeed. Qorshe kasta oo laga hormarinayo midnimada Awdal wuxuu burburaa haddii midkood la caayo ama la iska hor keeno.
Waxaa lama huraan ah:
- In bulshada Awdal fahanto in dagaalka qabiilka uu burburinayo qorshaha;
- In Ciise iyo Samaroon loo muujiyo in danahooda siyaasadeed aanay ku jirin gooni-u-goosad, balse ay ku jiraan nidaam federaal oo ay ku yeelan karaan miisaan dhab ah.
Haddii la isku diro Ciise iyo Samaroon → gooni-u-goosadka ayaa xoogeysanaya.
Haddii la isu keeno → Awdal waa iska xoraynayaa gooni-u-goosadka.
4. Baraha Bulshada: Halka Fitnada la Geliyo ama Laga Baabi’iyo
Cadawga gobolka wuxuu ku shaqeeyaa:
- hadal xanafta leh,
- qabiil isku dirid,
- “annaga vs. idinka.”
Balse dadka Awdal waa inay noqdaan:
- af-miyir leh,
- ujeedo-samayn leh,
- diiradda saaraya dan guud,
- kana fog propaganda-ga gooni-u-goosadka.
Mararka qaarkood, guusha siyaasadeed waxay ku timaadaa marka aad liqdo xanafta si aad u ilaaliso mustaqbalka gobolkaaga.
Gunaanad: Saddex Awood Ayaa Awdal Badbaadin Kara
Haddii:
- Dowladda Federaalka ay qaadato siyaasad cad,
- Bulshada Awdal ay keenaan qorshe wax ku ool ah,
- Ciise iyo Samaroon loo muujiyo in dantoodu ku jirto midnimada…
Markaas Awdal waxay yeelan doontaa waddo cad oo ku soo laabashada xasillooni, midnimo, iyo dan wadaag gobolka oo dhan faa’iido u leh.
Haddii mid ka dhaco saddexda awood — taariikhdu mar kale ayay ku celin doontaa in gobolka xuduudaha ahi uu gacanta u galo cidda ugu abaabul badan, ee aan ahayn cidda ugu saxda badan.





