• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Jiilkii 2000 iyo Jiilka Maanta: Fursadda Aad Haysataan
Warka

Jiilkii 2000 iyo Jiilka Maanta: Fursadda Aad Haysataan

Osman OmarBy Osman Omar15 March 2026Updated:26 July 2026No Comments4 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Jiilkii 2000 iyo Jiilka Maanta: Fursadda Aad Haysataan
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

1. Xusuustii Maalintii Rajada. Markii madaxweyne Cabdiqaasim salaad Muqdisho Yimid Waxaan ahaa teenager sanadkii 2000. Dad badan ayaa xasuusta maalintaas, laakiin dhalinyaradii waqtigaas joogtay si gaar ah ayay u xasuustaan. Magaalada oo dhan waxaa ka muuqday rajo cusub. Markii uu hadlay, wuxuu yiri eray ay dad badani qalbigooda ku reebeen: “Soomaaliya ceel uma qodna, cidina uma maqna.” Eraygaas dhalinyaradii Muqdisho joogtay si dhab ah ayay u qaateen xaqiiqda waqtigaa jirteyna way aheed

Waxaan u arkeeynay in waqtigii mugdiga uu soo dhammaanayo. Boqolaal iyo boqolaal dhalinyaro ah ayaan soo buuxinnay garoonka Muqdisho. Qof walba wuxuu lahaa hal riyo: in nabad iyo dowlad dhab ah dhalato. Laakiin rajadii maalintaas muuqanaysay si degdeg ah ayaa loo burburiyay. Waxaa hor istaagay Hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho, rag aan doonayn in dowlad dhalato, rag ku noolaa fowdada iyo dano shisheeye. Waxay ka baqi jireen nabadda, sababtoo ah nabaddu waxay ka qaadaysay awooddii ay ku haysteen dadka.

Riyadii jiilkaas sidaas ayay ku dhaawacantay. 2.

Fursadda Jiilka Maanta, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay joogaan xaalad ka duwan tii 2000 kii. Dhalinyarada maanta teenage-ka ah iyo kuwa ka weyn waxay ku nool yihiin magaalooyin ka nabad badan kuwii hore, waxayna arkaan fursado shaqo iyo dhaqaale oo aan jirin labaatan sano ka hor. Ganacsiyo cusub ayaa furmaya, shirkado ayaa dhalinyarada shaqaaleysiinaya, waxaana muuqata dhaqdhaqaaq dhaqaale oo sii kordhaya.

Waxaa kale oo jira isbeddel weyn oo ku saabsan mushaharka iyo shaqada. Xaqiiqo yar oo dad badani aysan ogayn ayaa ah in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed maanta ay helaan mushahar ka sarreeya qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada ku nool dalalka deriska ah iyo Dalal badan oo gobolka ah:

Qofka mushaharka ugu yar qaata ee ka tirsan ciidanka xooga wuxuu qaataa in ku dhow $200 bishii. Booliska Kenya qaar badan waxay qaataan wax ka yar $170 bishii. Dalalka kale sida Ethiopia, Tanzania, iyo Sudan mushaharradu badanaa waa ka sii hooseeyaan. Dhalinyarada Soomaaliyeed maanta waxay joogaan meel ay fursad ka muuqato—gaar ahaan marka la eego ganacsiga, dhismaha, iyo adeegyada. Waxaa intaas dheer, shirkado caalami ah ayaa hadda sahaminaya shidaalka iyo macdanta Soomaaliya.

Taasi waxay muujinaysaa mustaqbal dhaqaale oo ka duwan wixii hore. Sidaas darteed waa muhiim in jiilka maanta uu fahmo: fursadda aad haysataan ma ahayn mid jiilkii hore helay. Ha u ogolaanin siyaasiyiin ama dad mar hore diiday dowladnimada inay maanta bur-buriyaan fursadaha aad haysataan.

3. Sidoo kale  waxaa jira waxaa jira  magaalooyin  badan oo soo Kabanaya Haddii aad maanta eegto Soomaaliya, waxaad arkaysaa isbeddel muuqda oo magaalooyin badan ka socda. Muqdisho waxay noqotay magaalo dhismo iyo ganacsi ka socda. Jidad cusub ayaa la dhisay, dhismayaal dhaadheer ayaa ka soo baxaya, dekedda iyo garoonka diyaaradaha waxaa ka muuqda dhaqdhaqaaq ganacsi. Laakiin isbeddelku kuma koobna Muqdisho. Magaalooyin badan sida: Kismaayo Baydhabo Dhuusamareeb Garowe Jowhar Beledweyne waxaa ka socda dib-u-dhis, ganacsi cusub, iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale. Suuqyo ayaa furmaya, dad badan ayaa shaqo helaya, waxaana muuqata in magaalooyin badan ay si tartiib ah uga soo kabanayaan burburkii hore. Isbeddelkaas waa mid wali socda, laakiin waa mid la arki karo.

4. Difaaca Dalka iyo Dowladda.

Jiilka maanta wuxuu haystaa wax jiilkii 2000 si dhab ah u haysan: dowlad jirta iyo fursad muuqata. Anaga dhalinyaradii waqtigaas joogtay ma aanan awoodin inaan difaacno rajadii Cabdiqaasim. Hoggaamiye-kooxeedyadii iyo siyaasiyiintii waqtigaas waxay ku guuleysteen inay burburiyaan riyadii dhalinyarada. Maanta khaladkaas mar kale ha dhicin. Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay ogaadaan hal arrin: Dalka iyo dowladdiisa waa in la difaacaa. Taasi micnaheedu ma aha in khaladaadka la iska indho tiro. Laakiin waxay ka dhigan tahay in la fahmo in dowlad kasta oo dhalata ay u baahan tahay taageero, ilaalin, iyo dulqaad si ay u xoogeysato. Ha dhageysanina kuwa doonaya inay idin qanciyaan in wax walba burbursan yihiin. Badanaa waa isla fikirkii hore ee diiday dowladnimada. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta dhalinyarada maanta.

Haddii aad difaacdaan nabadda, dowladdiina, iyo fursadaha soo baxaya — Soomaaliya waxay noqon kartaa waddan ka duwan kii aad taariikhda ku maqasheen. Wax walba hal mar ma hagaagayaan. Laakiin wax baa meel ka bilaabma. Iftiinka waa la arki karaa. Haddaba dalkiinna difaaca.

🇸🇴
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Osman Omar
  • Website
  • Facebook
  • X (Twitter)
  • LinkedIn

Osman Omar is a Somali-American writer, researcher, and founder of Qaran24 News. His work focuses on Somalia and the Horn of Africa, covering politics, security, governance, economic development, and geopolitics. Drawing on OSINT, fact-checking, and investigative research, he provides evidence-based reporting and analysis on developments shaping Somalia and the region.

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.