Baraha bulshada waxay noqdeen fagaaraha ugu weyn ee ay Soomaalidu ku wadaagto wararka, doodaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amniga. Wararka degdegga ah ayaa halkaas lagu baahiyaa, madaxda ayaa su’aalo lagu weydiiyaa, Soomaalida gudaha iyo dibadduna si toos ah ayay macluumaad isku dhaafsadaan.
Hase yeeshee, xawaarahaas ayaa sidoo kale fududeeyey in war been ah uu faafo ka hor inta aysan saxafiyiinta, hay’adaha dowladda iyo muwaadiniintu helin waqti ay ku xaqiijiyaan. Maalin kasta waxaa la arkaa sawirro hore oo loo soo bandhigayo sidii dhacdooyin cusub, muuqaallo dalal kale laga soo qaaday oo Soomaaliya lagu sheegayo, hadallo loo nisbeeyo dad aan waligood oran iyo cinwaanno loogu talagalay inay abuuraan cabsi, caro ama colaad qabiil.
Xog Khaldan iyo Marin-habaabin
Labada erey ee loo istcmaalo Somalia waa misinformation iyo disinformation lakin isku macne ma aha. Xog-khaldan waa war aan sax ahayn oo qofku faafiyo isaga oo laga yaabo inuusan ogeyn inuu been yahay. Marin-habaabintu waa xog si ula kac ah loo sameeyey ama loo faafiyey si bulshada loo khaldo.
Labaduba waa halis, laakiin in qof ama koox si ula kac ah been u faafinayo waxay u baahan tahay caddeyn dheeraad ah laakin qofkii baraha bulshda ku jira oo si fiican u daraaseeya aaa garankaraa.
Faafinta xogta marin-habaabinta ah waxay ka iman kartaa dhinacyo kala duwan: siyaasiyiin iyo taageerayaashooda, warbaahin dhinac u janjeerta, kooxo hubaysan, danley gudaha iyo dibadda ah, ama dad raadinaya daawasho iyo taageerayaal badan.
Sidee Loo sii daayaa Beenaha?
Arintaas waxaa ka jawaabay, daraasad ay samaysay RAND Corporation ayaa hab dacaayadeedkan ku tilmaantay “Firehose of Falsehood”—oo macnaheedu yahay daadinta beeno tiro badan, xawaare sare leh oo joogto loo celceliyo.
Habkani wuxuu ku shaqeeyaa afar arrimood: beenta waxaa lagu faafiyaa baro badan, warar tiro badan ayaa hal mar la sii daayaa, isla sheegashooyinkana marar badan ayaa lagu celceliyaa. Dadka faafinaya kama welwelaan haddii wararkoodu is khilaafaan; ujeeddadu waxay noqon kartaa in bulshada lagu abuuro jahawareer. laakin waxaa jira Somali badan oo baraha bulshada wax ku iibiya qaarkood waxaa laga yaabaa in ay dhaqaalo ahaa been u faafiyaan
Tusaale ahaan, marka dhacdo siyaasadeed ama amni dhacdo, hal sheeko waxay eedda saari kartaa dowladda, mid kale mucaaradka, mid saddexaad qabiil gaar ah, halka mid afraad ay ku xiriirin karto dowlad shisheeye. Akoon kale ayaa laga yaabaa inuu ku doodo in dhacdadu aysanba dhicin.
Xawaaraha iyo tirada wararkan ayaa adkayn kara in dadku kala saaraan xaqiiqada iyo beenta. Xitaa haddii dowladda ama hay’ad kale ay soo saarto jawaab sax ah, beenihii hore ayaa laga yaabaa inay gaareen dad aad u badan. Sidaas darteed, jawaabta rasmiga ahi waa inay noqotaa mid degdeg ah, cad oo ay la socdaan caddeymo la hubin karo.
Akoonnada Been-abuurka ah iyo Adeegsiga AI
Baraha bulshada waxaa ka jira akoonno isticmaala magacyo Soomaali ah, sawirro laga yaabo in AI lagu sameeyey iyo qoraallo ku saabsan siyaasadda ama qabiilka. Mararka qaarkood, dhowr akoon ayaa muddo gaaban gudaheed ku celceliya weedho, sawirro, xiriirro ama hashtag-yo isku mid ah.
Kuwani waa calaamado mudan in la baaro, laakiin ma aha caddeyn kama dambays ah. Sawir qurux badan, qalad luqadeed ama calaamadda X ee muujinaysa in akoonku “North Africa” ku salaysan yahay ma caddaynayso in qofku yahay shisheeye ama akoonkiisu been-abuur yahay. Soomaali badan ayaa ku nool dunida dacalladeeda, dadka qaarna waxay isticmaalaan VPN ama adeegyo gobollo kale ku diiwaangashan.
Baaritaan lagu kalsoonaan karo wuxuu eegaa taariikhda akoonka, magacyadii uu beddelay, qoraalladiisii hore, sawirrada uu isticmaalo, xiriirka uu la leeyahay akoonnada kale iyo in qoraallada isku midka ahi hal waqti ka soo baxaan. Calaamado badan marka la isu geeyo ayaa abuuri kara tuhun macquul ah, oo ka dhigaya in akoonkaan loo adeegsado dano gonni ah
Jahawareerka Ayaa Noqon Kara Ujeeddada
Ololaha marin-habaabintu uma baahna in qof walba uu rumeeyo war kasta. Mararka qaarkood ujeeddadu waa in dadku ku adkaato inay gartaan xogta lagu kalsoonaan karo.
Marka bulshada si joogto ah loogu soo celceliyo warar isburinaya, dadku way daali karaan. Waxay ku dambayn karaan inay yiraahdaan: “Dhammaantood waa beenaalayaal, cidna lama aamini karo.” Xilligaas, caddeyn la xaqiijiyey iyo eedayn aan sal lahayn ayaa dad badan ula muuqan kara kuwo isku qiimo ah.
OECD waxay sheegtay in marin-habaabintu wiiqi karto kalsoonida hay’adaha, sii ballaarin karto kala qaybsanaanta bulshada, isla markaana adkayn karto in dadku heshiis ka gaaraan arrimaha waaweyn.
Soomaaliya, dareenka qabiilku wuxuu sii kordhin karaa dhibaatada. Qofku wuxuu si fudud u rumaysan karaa war u muuqda inuu taageerayo dhinaciisa, halka uu si adag u baarayo war ka dhan ah. Hase yeeshee, bulshada Soomaaliyeed ma laha hal dan ama hal aragti. Qabiillada, gobollada iyo kooxaha siyaasadeedba gudahooda waxaa ka jira fikrado kala duwan. Sidaas darteed, hal sheeko oo marin-habaabin ahi si isku mid ah uma qancin karto Soomaalida oo dhan taas ayaa ah fursada wali somalidu hays.
Maxaa La Gudboon Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada?
Dowladdu waa inay si degdeg ah uga jawaabtaa wararka taabanaya amniga, siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah. Jawaabta rasmiga ahi waa inay ka koobnaataa xog cad, taariikh, goob, dukumenti iyo masuul la weydiin karo su’aalo. Aamusnaanta dheer waxay bannaan u abuurtaa xan iyo warar aan la xaqiijin.
Warbaahintu waa inay kala saartaa war, falanqayn, ra’yi iyo xayeysiis siyaasadeed. Cinwaanku waa inuu si sax ah u matalaa waxa maqaalka ku jira. Haddii war khaldan la daabaco, waa in si muuqata loo saxo.
Muwaadinkuna waa inuusan noqon gaari bilaash ah oo beenta lagu raro. Ka hor intaadan war wadaagin, hubi cidda markii hore daabacday, taariikhda, goobta, sawirka iyo in ilo kale oo madax-bannaan xaqiijiyeen. Haddii xogta aan la hubin karin, waxaa habboon in lagu tilmaamo “war aan weli la xaqiijin,” halkii xaqiiqo ahaan loo faafin lahaa.
Dagaalkan rasaas laguma rido, laakiin wuxuu dhaawici karaa kalsoonida, wadajirka iyo awoodda ay bulshadu ugu heshiin karto xaqiiqooyinka aasaasiga ah. Difaaca ugu wanaagsan waa dowlad si degdeg ah u hadasha, warbaahin caddeyn ku shaqaysa iyo muwaadin su’aal weydiiya xogta ka hor inta uusan faafin.
Ka hor intaadan wadaagin, xaqiiji. Ka hor intaadan falcelin, akhri. Ka hor intaadan rumaysan, weydii: caddeyntu xaggee taal?





