Tuesday, July 1

Dowlada Soomaaliya  waa in ay  Isticmaashaa  Teknoolojiyadda Casriga ah Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Si loo yareeyo dhimashada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo si loo fududeeyo ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, waa lama huraan in dowlada Soomaaliya ay qaadato  tallaabooyin casri ah oo ku saleysan teknoolojiyadda dagaalka casriga ah . Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) ee wax basaasa waa mid muhiim ah oo ay dowladu ku gaari karto guulo waaweyn xaga dalaaka ah

Faa’iidada Drone-ka Basaaska ah

Diyaaradaha wax basaasa waxay dowlada siinayaan awood ay ku hesho xog sax ah oo muhiim ah, sida:

  • Halka ay ku sugan yihiin hogaamiyaasha Al-Shabaab.
  • Halka ay ku yaallaan xarumaha sirta ah ee kooxda.
  • Meelaha ay ka qorsheynayaan weerarada.

Xogtan waxaa loo adeegsan karaa in lagu yareeyo weerarada gaadmada ah ee kooxda ku caan baxday, taasoo sidoo kale badbaadin karta nolosha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Diyaaradaha  waxay noqon karaan Indhaha iyo Dhagaha Ciidanka xooga 

Drone-ka wax basaasa ayaa noqon kara indhaha iyo dhagaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidanka waa in la siiyo tababar gaar ah si ay u fahmaan sida loo isticmaalo xogta ay keenaan diyaaradaha waana in lagu daraa unugyo u gaara   ah oo lagu magacaabo drone tatical  unite.   Tani waxay u fududeynaysaa inay qaadaan weeraro bartilmaameedsan oo ku beegan saldhigyada  Al-Shabaab, taasoo meesha ka saaraysa weerarada aan qorshahasan  l ee kooxdo soo qaado kuwaas oo gaysta dhimasho badan.

Sababta Drone-ka Muhiim u yahay

Sababta ugu weyn ee Al-Shabaab ugu guuleysato weerarada gaadmada ah waa maqnaanshaha sirdoon ku filan oo dowlada iyo ciidanka ka caawiya ogaanshaha dhaqdhaqaaqyada kooxda kahor inta aysan weerar geysan. Si looga hortago arrintan, waa lagama maarmaan in la helo xog sirdoon oo degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo si fudud lagu heli karo marka la isticmaalo drone wax basaasa.

Maalgelinta iyo Qiimaha Badbaadada

Dowlada waa in ay mudnaanta siiso maalgelinta diyaaradaha wax basaasa, kuwaas oo qarashkoodu aad uga hooseeya kharashka ka yimaada dhimashada iyo dhaawaca ciidanka. Tani waa maalgashi muhiim ah oo dhanka nabadgelyada ah, kaasoo sidoo kale fududeyn kara qorsheyaasha lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Iskaashiga Caalamiga ah

Dowlada waa in ay la kaashato dowlado saaxiibo ah oo leh khibrad iyo qalab casri ah oo dhinaca teknoolojiyadda dagaalka ah. Iskaashigan wuxuu dowlada siin karaa taageero dhanka tababarka, qalabka, iyo istaraatiijiyadda dagaalka casriga ah.




puntland-and-galmudug-forces-foil-al-shabaab-militia-attack-in-gaalkacyo

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version