Sunday, September 8

Galmudug iyo Puntland oo diray Gudi Xabadjoojin ah .

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa ku baaqay in in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyo beello walaalo ah.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay si loo joojiyo coladaan ay dhankeeda dirtay guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno masuuliyiinta gobolka Mudug, waxana ay dhinacyada ka dalbatay in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta.

Sidoo kalana waxa ay dhinacyada fartay in la tixgaliyo ciidammada amniga ee ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalada ay ka dhaceen.

Sidoo kale Ku Simaha Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland ahna Madaxwayne ku xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Ayaa baaq nabadeed udiray beello ku dagaalamaya galbeedka gobalka Mudug.

 

Share.
Leave A Reply