Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Ansixiyay Hawlgalka Nabadsugidda Cusub ee Soomaaliya

NEW YORK (Qaran24) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ansixiyay hawlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – oo loo yaqaan AUSSOM – kaas oo beddeli doona hawlgalkii hore  ballaaran ee ladagaalanka  argagixisada kaas oo Midowga Afrika uu hogaamindoono  laga bilaabo 1-da Janaayo 2025.

The Resilient History of Somalia: A Legacy of Resistance Against Imperialism
generate image with full Mogadishu digital

Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah maalgeliyeyaasha ugu waaweyn ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxay doonayeen in la yareeyo tirada ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika sababo la xiriira walaaca ku saabsan maalgelinta muddo-dheer iyo waarta, sida ay ilo wareedyo u sheegeen Qaran24  bishii Juun. Waxay sidoo kale sheegeen in wadahadallada ku saabsan ciidanka cusub ay ahaayeen kuwo adag.

Dowladda Mareykanka ayaa ka aamustay codbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii iyada oo sabab uga dhigaysa walaaca ku saabsan maalgelinta. 14-ka xubnood ee kale ee golaha ayaa si buuxda u ansixiyay qaraarka.

Share.

Osman Omar is a Somali-American writer, researcher, and founder of Qaran24 News. His work focuses on Somalia and the Horn of Africa, covering politics, security, governance, economic development, and geopolitics. Drawing on OSINT, fact-checking, and investigative research, he provides evidence-based reporting and analysis on developments shaping Somalia and the region.

Leave A Reply

Exit mobile version