Sunday, September 8
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa lafilayaa inuu shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashadii golayaasha deegaanka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo dhammaan gobolka Nugaal katirsan.

Guddiga iyo qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa ku foogan isu guurinta codadka ay heleen musharixiinta aan buuxin tiradii looga baahnaa iyo kuwa ka soo haray seejooyinka musharixiinta soo baxay ka heleen codadka ka badan intii looga baahnaa in xildhibaanku ku soo boxo.

Qaar kamid ah musharixiintii golayaasha deegaanka ayaa GO u xaqiijiyey in xisbiyada qaybtood faragelin ku hayaan cidda ugu dambaysa ee liiska ku soo bixi doonta oo saacadihii ugu dambeeyey dood culusi ka taagnayd kuraasta qaar.

Qaran24

Share.
Leave A Reply