• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa
Warka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa

Qaran24By Qaran2418 July 2024Updated:18 July 2024No Comments1 Min Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca sedaxaad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan.

Sidoo kale Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada Goluhu uu siinayo in shuruucda Golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan.

Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee Golaha toodbaadka soo socda.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.