• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Somaliland » Guddoomiyaha ururka Hilaac Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland
Somaliland

Guddoomiyaha ururka Hilaac Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland

Qaran24By Qaran2419 June 2024Updated:19 June 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Guddoomiyaha ururka Hilaac Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland
Guddoomiyaha ururka Hilaac Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Guddoomiyaha ururka Hilaac Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan Ujeediyay hoggaanka maamulkaasi.

Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano.

Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii lasoo qabtay 33 sano ee lasoo dhaafay, isaga oo caddeeyay in qaddiyadda Somaliland aan la gayn fagaaarihii caalamka ee loo baahnaa.

“Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro,  Waayo maynaan kasban, hawsheedii maynaan galin, waana ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheega meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysan tahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Prof. Samatar ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo doodo cilmiyaysan oo ka turjumaysa rabitaanka Somaliland, si loogu qanciyo adduunka

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ay dadaal gelineysay arrinta ictiraafka, waxaana aqoonsi ay hesho darteed ay heshiis badeed la gashay dowladda Itooboya.

Heshiiska kadib Itoobiya ayaa sheegtay inay aqoonsaneyso Somaliland, sida uu shaaciyay

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

wasiirka ayaa goordambe ka saaray Qoraalkaas Bartiisa Twitterka mana cadda sababta keentay in uu kasaaro wasiirka.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.