Guddoomiyaha ururka Hilaac Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan Ujeediyay hoggaanka maamulkaasi.
Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano.
Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii lasoo qabtay 33 sano ee lasoo dhaafay, isaga oo caddeeyay in qaddiyadda Somaliland aan la gayn fagaaarihii caalamka ee loo baahnaa.
“Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro, Waayo maynaan kasban, hawsheedii maynaan galin, waana ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheega meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysan tahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.
Prof. Samatar ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo doodo cilmiyaysan oo ka turjumaysa rabitaanka Somaliland, si loogu qanciyo adduunka
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ay dadaal gelineysay arrinta ictiraafka, waxaana aqoonsi ay hesho darteed ay heshiis badeed la gashay dowladda Itooboya.
Heshiiska kadib Itoobiya ayaa sheegtay inay aqoonsaneyso Somaliland, sida uu shaaciyay
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).
“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.
wasiirka ayaa goordambe ka saaray Qoraalkaas Bartiisa Twitterka mana cadda sababta keentay in uu kasaaro wasiirka.