• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Kalluumeysiga Soomaaliya: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirka Horumarinta Kalluumeysiga
Warka

Kalluumeysiga Soomaaliya: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirka Horumarinta Kalluumeysiga

Qaran24By Qaran243 July 2024Updated:3 July 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirka Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
Kalluumeysiga Soomaaliya: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirka Horumarinta Kalluumeysiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in Qorshaha Xukuumadda uu yahay in %50 miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga

Muqdisho, 03, Luulyo 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah qaban-qaabada shirka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.