• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somalia News, Politics & Breaking News
  • Ethics Policy
  • Ownership & Funding
  • Authors
  • Home
  • Editorial Standards
  • Corrections Policy
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
  • Editorial Standards
  • Corrections Policy
  • Ethics Policy
  • Ownership & Funding
  • Authors
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • Mogadishu
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter) Facebook
X (Twitter)
Qaran24 | Somalia News, Politics & Breaking News
  • Ethics Policy
  • Ownership & Funding
  • Authors
  • Home
  • Editorial Standards
  • Corrections Policy
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
  • Editorial Standards
  • Corrections Policy
  • Ethics Policy
  • Ownership & Funding
  • Authors
Saturday, August 15
Qaran24 | Somalia News, Politics & Breaking News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran
Warka

Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran

Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)By Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)2 June 2025No Comments4 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran
Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu dhawaaqay gogol wadatashi siyaasadeed oo la filayo inay ka furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025, ayaa waxaa si degdeg ah u soo baxay bayaan kasoo yeeray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS). Madashaasi waxay ku doodeen in shirku u baahan yahay in lagu daro siyaasiyiin mucaarad ah, isla markaana la xoojiyo ajandaha shirka.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed xaq uma laha inay hagto, shuruudna ku xirto gogol qaran.

Haddaba, waa muhiim in si adag oo sharci ah loo caddeeyo in Madashani aysan wax sharciyad ah ku lahayn hannaanka siyaasadeed ee dalka, isla markaana aysan ka mid ahayn hay’adaha dastuuriga ah ee leh awoodda qaabaynta ama hagidda wadatashiyada qaran.

MADASHA: MA AHA HAY’AD DASTUURI AH

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waa urur siyaasadeed oo aan wax sharciyad ah ka haysan dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka. Ma jirto qodob dastuuri ah oo u aqoonsan inay tahay hay’ad kaalin ku leh hagidda siyaasadda qaran, gorgortanka siyaasadeed, ama wax ka beddelka dastuurka.

Dastuurka Soomaaliya wuxuu si cad u xusay hay’adaha leh awoodahaas oo ay ka mid yihiin:
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Qodobka 87),
• Baarlamaanka Federaalka (Qodobada 55–71),
• Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC),
• Xukuumadda Federaalka,
• Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Madasha kuma jirto midkoodna. Sidaas darteed, wax door ah kuma laha qaabaynta ajandayaasha qaran, mana lahan awood sharciyeed ay ku xukunto cidda ka qaybgelaysa gogol wadatashi qaran.

GOLOHA WADATASHIGA QARANKA (NCC): MADASHA MA AHA XUBIN

Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal rasmi ah oo sharciyeysan, loona asteeyey in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo in laga wada hadlo masiirka qaran ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Golaha waxaa ka tirsan:
• Madaxweynaha Federaalka,
• Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka,
• Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo SSC.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ma aha dowlad goboleed, ma metesho shacabka si sharci ah loo soo doortay, mana aha hay’ad ku qoran dastuurka ama sharciyad haysata. Sidaas awgeed, sheegashadooda ah inay u baahan yihiin ka qeybgal gaar ah ama cod ku leh waa mid si toos ah uga hor imaanaysa nidaamka dowliga ah.

WAX KABDALKA DASTURKA 

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu si gaar ah ugu tilmaamay Qodobada 132 ilaa 134 in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda kaliya ee awood u leh dib u eegista, wax ka beddelka iyo ansixinta Dastuurka.

Hadaba, soo jeedinta Madasha ee ah in gogosha la isugu yimaado lagu beddelo ama lagu xaliyo arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo nidaamka maamul, waa mid aan ku dhisnayn sharci. Waxaa jira habraac cad oo loo maro dib-u-eegista dastuurka, mana suurtagalayso in arrin masiiri ah lagu xalliyo madal aan sharciyad lahayn.

DOWLADDA FEDERAALKA

Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka waxay haystaan muddo-xileed afar sano ah, sida ku xusan Qodobka 91(2) ee Dastuurka KMG ah. Dowladda hadda jirta waxay ku jirtaa sannadkii ugu dambeeyay ee muddo-xileedkeeda, waxeyna weli leedahay awood buuxda oo sharci ah si ay u furto gogol wadatashi, ayna u hoggaamiso dowladnimada, ugana jawaabto baahiyaha siyaasadeed ee dalka.

@HESharifShAhmed kan Adiga miyaa? Waxaad @Golaha_shac_JFS ka dhex jeedisay in dastuurka Federaalka laga dhigo Madaxweyne & Raysal Wasaare uu madaxweynuhu magacaabi karo isla markaana uu casili karo oo aad soo jeedisay, waana la ansixiyay cod aqlabiyad leh waana ku qanacday!! pic.twitter.com/7zAscYWkIN

— Omar Abraar (@OAbraar) June 1, 2025

Fikirka Madasha ee ah in loo baahan yahay “xaqiijin iyo hubin siyaasadeed” kahor intaan la qaban shirku waa hadal siyaasadeed aan sal sharciyeysan lahayn. Dowlad sharci ku fadhida fasax ugama baahna madal aan dastuurka ku xusanayn si ay u gudato waajibaadkeeda qaran.

QARANNIMO LAGUMA DHISO MADALLO AAN DASTUURKA KU XUSNEYN

Soomaaliya waxay u baahan tahay midnimo qaran, wadahadal mas’uuliyadi ka muuqato, iyo sharci lagu dhaqmo. Laakiin tan micnaheedu ma aha in madallo siyaasadeed oo aan sharciyad lahayn lagu wareejiyo masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Wadatashi qaran wuu jiri karaa, waana lagama maarmaan. Laakiin waa in uu ku dhacaa iyadoo la dhowrayo nidaam dastuuri ah, sharciyada dalka, iyo doorka rasmiga ah ee hay’adaha dowladda.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed xaq uma laha inay hagto, shuruudna ku xirto gogol qaran. Dowladda Federaalka, Baarlamaanka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ah kuwa loo igmaday in ay u adeegaan dalka, iyagaana leh sharciyad lagu gaari karo horumar siyaasadeed oo waara.

Leadership, maskax, Caqli iyo Hal abuur ugu imaaw Madexweyn Dr Hassan Sheikh oo Aysan lahayn Mucaaradka Hadda Joogo.@aliade34120 @AbdisalamAato @EngNaaji pic.twitter.com/b1ApmdkQ3F

— Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow) (@siigaale1) June 1, 2025
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleMADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
Next Article Madaxweyne Dr Xasan Sheekh: Dastuurka Baarlamaan baa Go’aamiya, Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Hore Waa Talo oo Kaliya.
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
  • X (Twitter)

Abdullahi M Hassan ( Abdullahi Yabarow), Legal Researcher, Co-founder and Director of the Federal Dialogue, the National Unity Programme, and the Legal Office at Mowlac Forum, a Somali-based research organisation. He holds a Master of Laws (LLM) and is a legal researcher, political scholar, and international legal advisor. His expertise includes public international law, human rights law, and federal dialogue processes, focusing on legal reform, governance, and state-building in post-conflict and transitional contexts. Abdullahi remains dedicated to advancing inclusive governance, legal development, and the rule of law through research, advocacy, and strategic legal counsel at national and international levels.

Related Posts

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026
Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
From Affordable Device to Security Threat: How Compromised Laptops Could Endanger Somalia

Laptop  Raqiis ah oo Noqon Kara Khatar Amn- Sida Laptop La Waxyeelleeyey uu Soomaaliya Halis u Gelin Karo

31 July 2026
Dagaalka Aan Rasaastu Ka Dhicin iyo Sida Maskaxda Soomaalida Loo Beegsanayo

Dagaalka Aan Rasaastu Ka Dhicin iyo Sida Maskaxda Soomaalida Loo Beegsanayo

29 July 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Omar Artan: The Night Somalia’s Name Took Center Stage in Europe News English
Updated:12 August 20263 Mins Read

Omar Artan: The Night Somalia’s Name Took Center Stage in Europe

By Osman Omar12 August 202603 Mins Read

By Osman Omar On August 12, 2026, something special happened for Somalis watching football around…

Abdulkadir Mohamed Nur Elected Speaker of Somalia’s Parliament- check it His Record and the Leadership Ahead

Abdulkadir Mohamed Nur Elected Speaker of Somalia’s Parliament — check it—his Record and the Leadership Ahead. MOGADISHU

10 August 2026
Inclusivity must protect citizens' right to participate, not give every boycotting politician the power to halt the country.

Somalia Cannot Build Democracy Around the Veto of Absence.

9 August 2026
Before You Try to Reshape Somalia, Understand the Somali People

Before You Try to Divide Somalia, First Understand the Somali People

8 August 2026
Rebuilding Mogadishu or Redefining It? Urban Renewal, Security, and the Politics of Post-Conflict Somalia

Rebuilding Mogadishu or Redefining It? Urban Renewal, Security, and the Politics of Post-Conflict Somalia

7 August 2026
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • Mogadishu
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Omar Artan: The Night Somalia’s Name Took Center Stage in Europe
  • Abdulkadir Mohamed Nur Elected Speaker of Somalia’s Parliament — check it—his Record and the Leadership Ahead. MOGADISHU
  • Somalia Cannot Build Democracy Around the Veto of Absence.
  • Before You Try to Divide Somalia, First Understand the Somali People
  • Rebuilding Mogadishu or Redefining It? Urban Renewal, Security, and the Politics of Post-Conflict Somalia
X (Twitter)
  • Ethics Policy
  • Ownership & Funding
  • Authors
  • Home
  • Editorial Standards
  • Corrections Policy
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
  • Editorial Standards
  • Corrections Policy
  • Ethics Policy
  • Ownership & Funding
  • Authors
copyright @ 2024-2026. Qaran24. All rights reserved Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.