• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Facebook X (Twitter) Instagram Threads
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram YouTube
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
HOT TOPICS
  • Warka
  • Opinion
  • News English
qaran24.com » Warka » MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS) oo ka kooban madax hore oo dalka soo maamulay iyo xildhibaano weli ku jira Baarlamaanka Federaalka, ayaa 31ka Maajo 2025 soo saartay war-murtiyeed ay si kulul ugu dhaleeceeyeen dowladda federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. War-murtiyeedkaas, marka si dhab ah loo akhriyo, wuxuu xambaarsanaa dood aan sharciyad buuxda lahayn, eedeymo guud, iyo rabitaan siyaasadeed oo aan nidaamka dastuuriga ah waafaqsanayn.

MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA

Madasha ma leedahay awood sharciyeed?

Madasha Samatabixintu waa urur siyaasadeed aan dastuurka dalka meelna kaga qorneyn. Ma aha hay’ad dastuuri ah, mana metesho shacabka Soomaaliyeed si rasmi ah. In xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan ay ka mid yihiin Madasha, waxay abuureysaa isburin iyo qalalaase sharciyeed, maadaama aysan suurtagal ahayn in xildhibaan qaran uu ka mid noqdo urur mucaarad oo dowladnimada ka dhan ah, isagoo weli matalaya shacabka.

  1. Ma soo bandhigtay Madasha aragti siyaasadeed?

Maya. Madasha kama aysan imaan wax aragti siyaasad ku dhisan, qorshe cad ama siyaasad ku qotonta xal iyo horumar. Waxaa laga waayey war-murtiyeedkooda wax fikrad ah oo ku saabsan:

Dib-u-habaynta doorashooyinka

Qorshaha amniga iyo argagixisada

Maareynta dhaqaalaha, kobcinta dowlad-goboleedyada, iyo wax ka qabashada kororka tahriibka

Mucaaradnimada waa xaq sharciyeed, laakiinse waa in ay la socotaa qorshe kale oo la soo bandhigo. Madasha waxay si joogto ah u dhaliilaysaa dowlad shaqaynaysa, iyada oo aaney keenin wax lagu beddelo oo sharci iyo siyaasad ah.

  1. “Loogu gogol-xaarayo qof iyo cod” – Ma tahay mugdi xeeladeysan (strategic ambiguity)?

Marka Madasha leedahay “waxaan taageersanahay hannaan doorasho oo daahfuran, looguna gogol-xaaryo nidaamka qof iyo cod,” waxaa muuqata in ay adeegsanayaan mugdi xeeladaysan (strategic ambiguity).

Tani waxay tahay xeelad siyaasadeed oo si ula kac ah loogu adeegto erayo aan caddeyn, si aan shacabka loogu sheegin runta dhabta ah ee la rabo. Waxay u muuqataa inay rabaan in aysan si cad u sheegin in doorashada soo socota la qaban doono nidaam qof iyo cod ah, taas oo shaki galinaysa go’aankooda dhabta ah.

Micnaha “gogol-xaarka” wuxuu noqon karaa:

  • In aysan rabin in qof iyo cod la qabto hadda, balse ay doonayaan in la sugo mar dambe
  • In shacabka lagu maaweeliyo, si aysan ugu cadaadin in hadda la hirgeliyo nidaam dimoqraadi ah
  • In laga fogaado mowqif cad si hadhow ay ugu celceliyaan, hadba meesha dani ugu jirto

Tani waa marin habaabin siyaasadeed. Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay hoggaan aragtidiisa qeexan tahay oo leh mowqif cad, ma ahan koox ku hadlaysa erayo labaclab ah si ay u gaaraan danahooda siyaasadeed oo gaarka ah.

  1. Wax ka beddelka Dastuurka: Ma sharci buu ahaa?

Haa. Wax ka beddelka Dastuurka waxaa loo maray Cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG ah, waxaana si buuxda u ansixiyay labada gole sharci-dejin. Waxaa wax laga beddelay afar qodob oo la isla meel dhigay, si hufan loo waday, loona maray waddadii dastuurku tilmaamay. Sidaa darteed, sheegashada Madasha ee ah in “dastuurka lagu xadgudbay” waa mid aan sharciga waafaqsanayn oo xaqiiqada ka fog.

  1. Eedeymo musuq iyo heshiisyo qarsoodi ah: Meeye caddeynta sharciyeed?

  2. MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
    MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA

Madashu waxay sheegtay in musuqmaasuq, ku takri-fal awoodeed, iyo heshiisyo qarsoodi ah oo lagu bixiyay khayraadka dalka ay jiraan. Laakiin ma keenin hal caddeyn sharci ah. Waxaa jira hay’ado u xilsaaran baaritaan: Hantidhawrka, Xeer-ilaaliyaha Guud, Guddiyada Baarlamaanka. Haddii ay jirto cabasho dhab ah, maxaa loo marin waayey dariiqyadan?

  1. Laba-wajiilayn siyaasadeed iyo mucaaradnimo danleey siyaasadeed oo aan Dan Qaran ka tarjumeynin

  2. MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
    MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA

Xubno badan oo ka tirsan Madasha ayaa horey ugu dooday in nidaamka doorasho dadban uu yahay xal ku meel gaar ah. Maanta, iyagoo aan natiijo siyaasadeed ka gaarin doorashadi dadbanayd, ayay kasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod ah. Waa laba-wajiilayn siyaasadeed aan sharaf lahayn, kuna saleysan “kursi ka kacsi” ee aan ahayn matalaad dadweyne sida ow sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA

Waqti waa la lumiyay, shacabka ha la ixtiraamo

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay isku dayaysaa inay shacabka ku marin habaabiso war-murtiyeedyo siyaasadeed, oo aay qayb ka yihiin Mada

  • Madashu sharci uma laha in ay matasho shacabka.

  • Xubno ka tirsan Madasha waxay horey u taageereen doorasho dadban, oo aay iska dhigaayaan in aay maanta diiddan yihiin.

  • Ma aysan keenin wax qorshe siyaasadeed ah oo cad.

  • Sheegashadooda “gogol-xaarka qof iyo cod” waa siyaasad dib u dhigid ah oo lagu khasbaayo bulshada inay sugaan waqti dambe oo aan la ogeen.

  • Wax ka beddelka Dastuurka waxaa loo maray Cutubka 15-aad, waxaana si sharci ah u ansixiyay Baarlamaanka.

  • Eedeymaha musuqmaasuqa iyo heshiisyada qarsoon waa kuwo aan caddayn sharciyeed wadan.

 

Follow on Google News Follow on Flipboard
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link
Previous ArticleA Refined Approach to Somalia’s Stability: Empowering Local Initiatives
Next Article Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
  • X (Twitter)

Abdullahi M Hassan ( Abdullahi Yabarow), Legal Researcher, Co-founder and Director of the Federal Dialogue, the National Unity Programme, and the Legal Office at Mowlac Forum, a Somali-based research organisation. He holds a Master of Laws (LLM) and is a legal researcher, political scholar, and international legal advisor. His expertise includes public international law, human rights law, and federal dialogue processes, focusing on legal reform, governance, and state-building in post-conflict and transitional contexts. Abdullahi remains dedicated to advancing inclusive governance, legal development, and the rule of law through research, advocacy, and strategic legal counsel at national and international levels.

Related Posts

BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH

16 October 2025

Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

11 October 2025

Kismayo Meeting: President Hassan Sheikh’s Calculated Move Exposes the Fault Lines of Somali Politics

6 October 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Somalia

ICG’s Blindfolded View of a Rising Somalia

Osman Omar18 October 2025

The latest report from the International Crisis Group reads less like research and more like…

BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH

When Security Becomes a Political Weapon

No Money, No Representation: Advocate Yabarow

Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • ICG’s Blindfolded View of a Rising Somalia
  • BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH
  • When Security Becomes a Political Weapon
  • No Money, No Representation: Advocate Yabarow
  • Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.