MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS) oo ka kooban madax hore oo dalka soo maamulay iyo xildhibaano weli ku jira Baarlamaanka Federaalka, ayaa 31ka Maajo 2025 soo saartay war-murtiyeed ay si kulul ugu dhaleeceeyeen dowladda federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. War-murtiyeedkaas, marka si dhab ah loo akhriyo, wuxuu xambaarsanaa dood aan sharciyad buuxda lahayn, eedeymo guud, iyo rabitaan siyaasadeed oo aan nidaamka dastuuriga ah waafaqsanayn.
Madasha ma leedahay awood sharciyeed?
Madasha Samatabixintu waa urur siyaasadeed aan dastuurka dalka meelna kaga qorneyn. Ma aha hay’ad dastuuri ah, mana metesho shacabka Soomaaliyeed si rasmi ah. In xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan ay ka mid yihiin Madasha, waxay abuureysaa isburin iyo qalalaase sharciyeed, maadaama aysan suurtagal ahayn in xildhibaan qaran uu ka mid noqdo urur mucaarad oo dowladnimada ka dhan ah, isagoo weli matalaya shacabka.
- Ma soo bandhigtay Madasha aragti siyaasadeed?
Maya. Madasha kama aysan imaan wax aragti siyaasad ku dhisan, qorshe cad ama siyaasad ku qotonta xal iyo horumar. Waxaa laga waayey war-murtiyeedkooda wax fikrad ah oo ku saabsan:
Dib-u-habaynta doorashooyinka
Qorshaha amniga iyo argagixisada
Maareynta dhaqaalaha, kobcinta dowlad-goboleedyada, iyo wax ka qabashada kororka tahriibka
Mucaaradnimada waa xaq sharciyeed, laakiinse waa in ay la socotaa qorshe kale oo la soo bandhigo. Madasha waxay si joogto ah u dhaliilaysaa dowlad shaqaynaysa, iyada oo aaney keenin wax lagu beddelo oo sharci iyo siyaasad ah.
-
“Loogu gogol-xaarayo qof iyo cod” – Ma tahay mugdi xeeladeysan (strategic ambiguity)?
Marka Madasha leedahay “waxaan taageersanahay hannaan doorasho oo daahfuran, looguna gogol-xaaryo nidaamka qof iyo cod,” waxaa muuqata in ay adeegsanayaan mugdi xeeladaysan (strategic ambiguity).
Tani waxay tahay xeelad siyaasadeed oo si ula kac ah loogu adeegto erayo aan caddeyn, si aan shacabka loogu sheegin runta dhabta ah ee la rabo. Waxay u muuqataa inay rabaan in aysan si cad u sheegin in doorashada soo socota la qaban doono nidaam qof iyo cod ah, taas oo shaki galinaysa go’aankooda dhabta ah.
Micnaha “gogol-xaarka” wuxuu noqon karaa:
- In aysan rabin in qof iyo cod la qabto hadda, balse ay doonayaan in la sugo mar dambe
- In shacabka lagu maaweeliyo, si aysan ugu cadaadin in hadda la hirgeliyo nidaam dimoqraadi ah
- In laga fogaado mowqif cad si hadhow ay ugu celceliyaan, hadba meesha dani ugu jirto
Tani waa marin habaabin siyaasadeed. Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay hoggaan aragtidiisa qeexan tahay oo leh mowqif cad, ma ahan koox ku hadlaysa erayo labaclab ah si ay u gaaraan danahooda siyaasadeed oo gaarka ah.
-
Wax ka beddelka Dastuurka: Ma sharci buu ahaa?
Haa. Wax ka beddelka Dastuurka waxaa loo maray Cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG ah, waxaana si buuxda u ansixiyay labada gole sharci-dejin. Waxaa wax laga beddelay afar qodob oo la isla meel dhigay, si hufan loo waday, loona maray waddadii dastuurku tilmaamay. Sidaa darteed, sheegashada Madasha ee ah in “dastuurka lagu xadgudbay” waa mid aan sharciga waafaqsanayn oo xaqiiqada ka fog.
-
Eedeymo musuq iyo heshiisyo qarsoodi ah: Meeye caddeynta sharciyeed?
-
MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
Madashu waxay sheegtay in musuqmaasuq, ku takri-fal awoodeed, iyo heshiisyo qarsoodi ah oo lagu bixiyay khayraadka dalka ay jiraan. Laakiin ma keenin hal caddeyn sharci ah. Waxaa jira hay’ado u xilsaaran baaritaan: Hantidhawrka, Xeer-ilaaliyaha Guud, Guddiyada Baarlamaanka. Haddii ay jirto cabasho dhab ah, maxaa loo marin waayey dariiqyadan?
-
Laba-wajiilayn siyaasadeed iyo mucaaradnimo danleey siyaasadeed oo aan Dan Qaran ka tarjumeynin
-
MADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
Xubno badan oo ka tirsan Madasha ayaa horey ugu dooday in nidaamka doorasho dadban uu yahay xal ku meel gaar ah. Maanta, iyagoo aan natiijo siyaasadeed ka gaarin doorashadi dadbanayd, ayay kasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod ah. Waa laba-wajiilayn siyaasadeed aan sharaf lahayn, kuna saleysan “kursi ka kacsi” ee aan ahayn matalaad dadweyne sida ow sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay isku dayaysaa inay shacabka ku marin habaabiso war-murtiyeedyo siyaasadeed, oo aay qayb ka yihiin Mada
-
Madashu sharci uma laha in ay matasho shacabka.
-
Xubno ka tirsan Madasha waxay horey u taageereen doorasho dadban, oo aay iska dhigaayaan in aay maanta diiddan yihiin.
-
Ma aysan keenin wax qorshe siyaasadeed ah oo cad.
-
Sheegashadooda “gogol-xaarka qof iyo cod” waa siyaasad dib u dhigid ah oo lagu khasbaayo bulshada inay sugaan waqti dambe oo aan la ogeen.
-
Wax ka beddelka Dastuurka waxaa loo maray Cutubka 15-aad, waxaana si sharci ah u ansixiyay Baarlamaanka.
-
Eedeymaha musuqmaasuqa iyo heshiisyada qarsoon waa kuwo aan caddayn sharciyeed wadan.