Saturday, September 7

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND OO KA TACSIYEEY GEERIDA AHUN PROF MAXAMED SHIIKH CISMAAN JAWAARI.

Garoowe : 28 June 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.

Wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo door muhim ah kasoo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynaya eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo dhammaanteena Samir iyo Iimaan Allaah ha inaga siiyo , Aamiin” ayuu yiri Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Share.
Leave A Reply