Golaha Midowga Yurub ayaa go’aamiyay in si kumeel gaar ah xayiraad loogu soo rogo bixinta fiisaha ama Dal ku galka muwaadiniinta Itoobiya.

Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaraya dadka heysta baasaboorka Itoobiya, waxa uuna jawaab u yahay wada shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arrimaha dib u celinta magangalyo doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27ka dal ee Yurub ay ku mideysanyihin.

Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub inay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ugu sii jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida uu sheegay golaha Midowga Yurub.

Itoobiya waxa ay ku guuldareysatay  in ay iska kaashato dib usoo celinta muwaadiniinteeda si hufan, ayuu raaciyay golaha Midowga Yurub.

Share.
Leave A Reply