Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

qatarta Isticmaalka Itoobiya ee Software-ka  lagu jabsado Taleefannada

Ethiopia's Use of Advanced Phone-Hacking Software

 Qatarta Isticmaalka Itoobiya ee Software-ka  lagu Jabsiga Taleefannada iyo  Saameynta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xasilloonida Gobolka

Sanadkii 2022, Ethiopia waxay soo iibsatay software casri ah oo loogu talagalay in taleefannada lagu jabsado, kaas oo ay ka soo iibsate shirkado Israa’iili ah. Arrintan ayaa keentay walaac xoogan oo la xiriira in software-kan loo isticmaali karo kormeerka iyo dabagalka shaqsiyaadka siyaasadeed ee kasoo horjeeda dowladda Itoobiya, iyo xitaa kuwa ku sugan gobolka guud ahaan. Tani waxay si gaar ah uga dhigan tahay in software-kan laga yaabo inuu si weyn u saameeyo shaqsiyaadka muhiimka ah ee siyaasadda, gaar ahaan kuwa mucaaradka ah.

Qatarta Isticmaalka Itoobiya ee Software-ka  lagu Jabsiga Taleefannada iyo  Saameynta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xasilloonida Gobolka
Qatarta Isticmaalka Itoobiya ee Software-ka  lagu Jabsiga Taleefannada iyo  Saameynta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xasilloonida Gobolka

Software-kan, oo lagu magacabo  Pegasus kaas  caan  ah oo horay loo adeegsaday dalal kale sida Mexico halkaas oo loo isticmaalay in lagu basaaso wariyayaal qaarkoodna la dilay, wuxuu awood u siinayaa dowladda Itoobiya inay si qarsoodi ah u dhageysato wicitaanada, fariimaha, iyo xiriirada khaaska ah ee shakhsiyaadka. Taasi waxaa la sameeynayaa  iyada oo aan qofka la beegsanayo wax ogeysiis ah loo dirin, taasoo sii kordhinaysa walaaca laga qabo in software-kaas loo adeegsado dano siyaasadeed.

Dowladda Itoobiya waxay durba bilawday isticmaalka software-kan si ay ula socoto hogaamiyaasha mucaaradka ee gudaha dalka, iyada oo beegsanaysa qorshahooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed. Tani waxay u ogolaatay dowladda inay hal talaabo ka horreyso mucaaradka, taasoo ka hortagtay isku dayo siyaasadeed oo abaabulan oo ka dhan ah xukunka dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya kuma ekaan isticmaalka software-kan gudaha dalka oo kaliya, balse warbixino ayaa tilmaamaya in ay sidoo kale u adeegsatay Soomaaliya. Dowladdu waxay jabsatay taleefannada siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qoysaska muhiimka ah, gaar ahaan kuwa ku lug leh siyaasadaha goboleedka. Ujeedadu waxay ahayd in laga helo macluumaad istiraatiiji ah oo la xiriira go’aannada iyo xulafeysyada siyaasadeed ee muhiimka ah.

Qatarta Isticmaalka Itoobiya ee Software-ka  lagu Jabsiga Taleefannada iyo  Saameynta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xasilloonida Gobolka

Hoggaamiyeyaasha goboleedyada Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaara maaraynta xasaradaha siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Marka Itoobiya ay jabsato isgaarsiintooda, waxay heli kartaa xog muhiim ah oo ku saabsan xeeladaha siyaasadeed ee lagu xallinayo khilaafaadkaas, taasoo si weyn u dhaawici karta madax-bannaanida siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u nugul sababo la xiriira xiriirka adag ee siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Helitaanka xogtooda khaaska ah waxay Itoobiya u fududeyn kartaa in ay saameyn ku yeelato natiijooyinka siyaasadeed ee ka dhacaya gobollada Soomaaliyeed.

 

Awoodda ay dowladda Itoobiya u leedahay inay dhegeysato oo ay wax ka beddesho wadahadalada khaaska ah waxay siinaysaa fursad ay ku hoggaamiso wada xaajoodyada istiraatiijiga ah, taasoo sii xoojinaysa saameynta Itoobiya ee xuduudaha muhiimka ah ee gobolka. Isticmaalka software-kan ee lagu dabagalayo dhaqdhaqaaqa hogaamiyaasha saameynta leh, Itoobiya waxay isku dayeysaa inay ka hortagto isbahaysiyo siyaasadeed oo looga hor imaan karo danaha siyaasadeed ee gobolka.

Qatarta Isticmaalka Itoobiya ee Software-ka  lagu Jabsiga Taleefannada iyo  Saameynta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xasilloonida Gobolka

Saameynta siyaasadeed ee tignoolajiyadan ayaa ah mid baaxad leh, iyadoo aysan ahayn kaliya qalab basaaseed, balse sidoo kale tahay hab ay Itoobiya ku xoojiso gacan ku haynta habka go’aan-qaadashada iyo in ay ka hortagto hanjabaadaha siyaasadeed ee suurtogalka ah.

Si looga hortago saameynta noocan oo kale ah, Soomaaliya waa inay si dhab ah u qaadataa khatarta cyber-ka, gaar ahaan isticmaalka taleefannada casriga ah ee xubnaha ugu sareeya dowladda sida xubnaha baarlamaanka, golaha wasiirrada, iyo madaxda federaalka. Waxaa lagama maarmaan ah in si ku-meelgaar ah loo joojiyo isticmaalka taleefannada casriga ah marka ay ka hadlayaan arrimaha muhiimka ah ee qaranka.

 

Si aad taleefankaaga uga ilaaliso software-ka basaaska ah sida Pegasus, oo awood u leh inuu taleefankaaga soo galo isla markaana uu la socdo xiriirradaada adigoo aan ogeyn, waa inaad qaaddo tallaabooyin farsamo iyo kuwo ku saabsan sida aad taleefankaaga u isticmaasho. Halkan waxaa ku yaal dhowr hab oo aad taleefankaaga uga ilaalin karto Pegasus spyware:

Qatarta Isticmaalka Itoobiya ee Software-ka  lagu Jabsiga Taleefannada iyo  Saameynta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xasilloonida Gobolka

Hadii aad dowlada u shaqeeyso qaad talaabooyinkaan 

1. Taleefankaaga si joogto ah u cusbooneysii

2. Xaddid ogolaanshiyaha ay barnaamijyada codsadaan

3. Demi iMessage iyo FaceTime (iPhones  ama kuwa kujira android 

4. Isticmaal Barnaamijyada Fariimaha Qarsoon

5. Ka fogow Gujinta Xiriirro Aan La Aqoon

6. Isticmaal Barnaamijyada Ka-hortagga Basaaska (Anti-Malware)

7. La Soco Dhaqdhaqaaqyada Taleefankaaga

8. Isticmaal Laba-Tallaabo-Ogaansho (2FA)

9. Demi Adeegyada Aan Lagama Maarmaanka Ahayn

10. Isticmaal Taleefan Diirada Saaray Amniga

11. Isticmaal VPN

12. Taleefankaaga Si Joogto Ah U Dami Oo Dib U Shid

13. Soo Celinta Warshadda (Factory Reset)


Exit mobile version