• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.
Warka

Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.

Abdikarin DahirBy Abdikarin Dahir22 June 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.

Suldaan Da’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil kadib markii uu askari xabad ku riday.

 waraysi uu MMTV siiyay ayuu  ku sheegay in la damcay in la dilo, oo ay askartu xabad u adeegsadeen kadib mudaharaad lagaga soo horjeeday xadhiga Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani oo uu qayb ka ahaa.
“Maanta dalka waxa la doonayay in fawdo, mudaharaad, buuq iyo dil ay ka dhacdo, nin Ciidagale ah ayaa nin Ciidagale ah loo xidhayay, in meeshan uu Ibrahin Caydiid ka taliyo iyo in uu Madaxweynuhu ka taliyo caqligayaga way gali wayday” ayuu yidhi Suldaanku.

Waxa uu dhallinyarada ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan isaga oo sheegay in xukuumadu damacsanayd in uu dagaal ku dhawaaqo oo dhibaato dhacdo, lakiin uu isagu nabada qaadanayo.

Duqa magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in askari kamid ah ilaalada madaarka Cigaal uu xabad ku riday mudaharaadayaasha, isaga oo sheegay in uu sharciga la tiigsan doono askariga.

Ibraahin Caydiid oo ah shakhsiga uu suldaanku ku eedeeyay in uu xidhay Dool ayaa iska fogeeyay eeda, isaga oo sheegay in aanu isagu wax lug ah ku lahayn xadhigiisa. Caydiid ayaa ah shakhsi baraha bulshada ka taageera xukuumada.

Dool ayaa shalay lagu xidhay madaarka xili uu dibada ka yimid, waxaana mudaharaad sameeyay taageerayaal garoonka Cigaal u tagay in ay soo dhaweeyaan oo uu suldaanku ku jiro, Dool ayaa wali xidhan.

Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Abdikarin Dahir
  • Website
  • X (Twitter)

𝗔𝗯𝗱𝗶𝗸𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗵𝗶𝗿 is a Somali academic, writer, political analyst, and civic activist. Holding dual citizenship, he has served in multiple government institutions in Mogadishu. His work focuses on governance, public policy, and social development in Somalia.

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.