Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Warbixin iyo Falanqeyn Ku Saabsan Amniga Muqdisho

Security Report and Analysis on Mogadishu

Warbixin iyo Falanqeyn Ku Saabsan Amniga Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho  nabadda Muqdisho uma hurin  dhiiggooda oo kaliya  balse waxay ku bixiyeen in ay ka barakacaan guryihii ay ku noolaayeen 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya sanadkii 1991-dii, dadka Muqdisho waxay isugu tageen xaafado gaar ah si ay naftooda u badbaadiyaan. Xaafadahaas waxaa ku noolaa dad isku yaqaan oo wadaaga xigaalnimo iyo kalsooni. Si kastaba ha ahaatee, markii Muqdisho dib loogu soo laabtay sanadkii 1996-dii, waxaa bilaabatay in dib loo dhiso goobaha danta guud sida waddooyinka iyo iskuulada, inkastoo aan loo qorsheyn hab degaan oo casri ah.

Xaaladda ayaa sii xumaatay sanadkii 2009  and 2011 markii dowladda Madaxweyne Shariif la aasaasay. Ciidamadii Itoobiya iyo kooxihii argagixisada ayaa laga saaray Muqdisho, taasina waxay keentay in dadku isugu ururaan xaafado isku dhaw oo  amaan ah . Arrintani waxay sababtay in dadka ku noolaado guryo aad u yar, xataa qoysaska qaarkood ay ku wada noolaadaan meel aan ka badneyn labo mitir. Xaafadahaas ayaa u ekaaday Hong Kong oo kale, halkaasoo dhul yari iyo ciriiri badan ay ka jirto.

Intaa waxaa dheer, argagixisada Al-Shabaab ayaa ku dhex dhuuntay xaafadahaas iyagoo iska dhigaya dad dhibaatooyin kaga soo cararay meelo kale. Waxay deganaayeen meel kasta oo bannaan oo u dhoweyd xaafadaha loo yaqaano “green zone,” halkaasoo ay fuliyaan falal argagixiso oo Muqdisho ka dhan ah.

Isbeddellada Amniga Muqdisho

Markii ay xaaladda amniga Muqdisho soo hagaagtay, dadkii ayaa u kala guuray xaafadaha ku yaalla bannaanka magaalada. Xaafadihii ay ka guureen, oo markii hore laga dhisay waddooyin iyo xarumo danta guud, waxaa laga  kireeyay dad magaalada u yimid shaqo raadis, oo qaarkood ka yimid gobollada iyo waddamada deriska ah. Nasiib darro, Al-Shabaab ayaa ka faa’iideysatay arrintan, waxayna kireysteen guryo ku yaalla xaafadahaas si ay ugu sii qorsheeyaan falal dambiyeed iyo qaraxyo ka dhan ah dowlada iyo shacabka.

Tusaale ahaan, baaritaan ay dowladdu sameysay ayaa lagu ogaaday in qaraxyo badan oo Muqdisho ka dhacay intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2024 laga soo abaabulay xaafadaha isku raranka ah ee aan lahayn waddooyin habeysan ama kamarado amni. Mid ka mid ah dhacdooyinkaas ayaa ahayd dilkii abwaanka Soomaaliyeed Sugule, kaas oo qarax lagu dilay bishii Oktoobar 2024 meel u dhow xarunta ugu weyn ee booliska Soomaaliya ee General Kaahiye.

Warbixin iyo Falanqeyn Ku Saabsan Amniga Muqdisho
Warbixin iyo Falanqeyn Ku Saabsan Amniga Muqdisho

Markii baaritaan lagu sameeyay guriga qofkii is-qarxiyay, waxaa la ogaaday in ninkii gurigaas daganaa uu in uu ka kireeyey ninkii is qarxieyey oqyskiisa, kaddibna la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigeen qoyskii.  Arrintan darteed, dowladdu waxay soo saartay go’aan ah in dhammaan guryahaas la dumiyo. Shalay ayay dowladdu fulisay go’aankaas, inkastoo ay jiraan xaafado kale oo ay dowladdu qorsheyneyso in la burburiyo, sida Fardooleey iyo Buulo Gaaljecel, kuwaasoo looga shakisan yahay inay Al-Shabaab ku leeyihiin xarumo qarsoon.`

Tallaabooyinka Amniga iyo Saameyntooda

Saraakiil ka tirsan booliska, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya degmada Hodan, ayaa sheegay in markii xaafadihii isku raranka ahaa ee Zone K la burburiyay, ay hoos u dhacday dilalka iyo dhacdooyinkii amni darrada ahaa ee halkaas ka dhici jiray. Inkastoo tallaabadan lagu dhaliilay baraha bulshada, oo sawir gabadh ardayad ah oo taagan goob la burburiyay lagu baahiyay, haddana saraakiishu waxay caddeeyeen in nolosha dad badan ay ku badbaaday tallaabadaas.

Tusaale ahaan, ka hor intii aan la burburin xaafadahaas, afar qof ayaa lagu dilay halkaas sabab la xiriirta inay guri ka hirgeliyeen kamarad amni. Dilalkaas ayaa la joojiyay kaddib markii la fuliyay qorshaha burburinta.

 

Ujeeddada Dowladda

Ujeeddada ugu weyn ee dowladda ay ku burburinayso guryaha isku raranka ah waa laba qodob:

  1. Guriga oo loo xukumo qofkii sharciyan lahaa, iyadoo maxkamad go’aan ka soo saartay.
  2. Sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyadoo dadka reer Muqdisho ay ku taageersan yihiin qorshahan, xitaa haddii ay ku khasbanaadaan inay ka guuraan dhul ay deganaayeen 30 sano.

Ugu dambeyn, dadka reer Muqdisho waxay fahamsan yihiin in tallaabadani tahay mid lagama maarmaan u ah sugidda amniga guud ee magaalada, iyadoo ay ku helayaan nolol ka nabad badan tii hore.

Warbixin iyo Falanqeyn Ku Saabsan Amniga Muqdisho

 

Warbixin iyo Falanqeyn Ku Saabsan Amniga Muqdisho
Exit mobile version