• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
  • News English
  • Opinion
  • Warka
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Xildhibaan Cabdikashuur Cali Mire ayaa dhankiisa eedayn kulul ujeediyey M/Qoor Qoor wuuna yiri:
Warka

Xildhibaan Cabdikashuur Cali Mire ayaa dhankiisa eedayn kulul ujeediyey M/Qoor Qoor wuuna yiri:

Qaran24By Qaran2418 July 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Xildhibaan Cabdikashuur Cali Mire oo kamid ah Xildhibaanada ugu samaynta badan BJFS ee lagasoo doorto galmudug ayaa dhankiisa eedayn kulul ujeediyey Qoor qoor wuuna yiri:

Dareenka iyo qalalaasaha siyaasaddeed iyo amni ee ka jira GalMudug ee maalmahan soo xoogeystay, waa kuwa horseedi kara qarax siyaasadeed iyo mid amni oo horseeda in xilliga kala guurka ee mudo xilleedka hoggaanka hadda haya talada GalMudug uu reer GalMudug dhaxal-siiyo colaado iyo gacan ka hadal siyaasadeysan.

Hoggaanka GalMudug ee madaxweyne Ahmed Qoor Qoor, wuxuu ku guuldaraystay wax walba oo loo idmaday, wuxuuna GalMudug dhaxal siiyey inay dib usoo noqdaan colaadihii beelaha oo si ka xooggan intaan talada loo dhiibin hadda u saameeyey dhamaanteen deeganada GalMudug.

Waxaan shaki ku jirin in ay GalMudug u baahan tahay badbaado siyaasadeed iyo mid nabad galyo, qofka ugu horeeya ee ay tahay in laga badbaadiyana waa Axmed Qoor Qoor oo siyaasad ka dhigtay iska horkeenka beelaha iyo abuurista qalalaase uu aaminay inuu xilka ku sii haysan karo.

Hoggaanka GalMudug, ma jirto beel gaar ah iyo deegaan gaar ah uu jaceyl gaar ah u hayo, balse wuxuu maalin kasta raadsadaa qolo uu ku moodo.

Dhibaatada iyo eexda iyo jowrfalka uu ku sameeyey shacabka Waqooyiga Galgaduud mudadii uu talada hayey maahan mid ay waligood ma halmaami doonaan, waxaase wax lagu qoslo ah in hubka ay deegaankooda dhexdiisa ku furteen uu ka dhiggo mid uu kala shaqeeyey inay furtaan ayadoo la ogyahay ciidanka NISA ee shacabka laayey inuu asagu soo direy.

Ugu dambeyn waxaan dowladda fedraalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta reer GalMudug ugu baaqaya in aan la sugin GalMudug oo maamul ahaana u dunta, shacabkeeduna beel beel isku laayaan, waxaa kaliya oo lagu badbaadin karaa waa in ay dhacdo doorasho loo dhan yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Facebook
  • Linkedin
  • VK
  • Youtube
  • Instagram
© 2026 Qaran24. Designed by Osman Omar.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.