• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter)
X (Twitter)
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Thursday, December 4
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran
Warka

Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran

Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)By Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)2 June 2025No Comments4 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran
Madasha Samatabixinta Malahan Sharciyad Ay Kaga Qaybqaadato Hagidda Gogosha Qaran
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu dhawaaqay gogol wadatashi siyaasadeed oo la filayo inay ka furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025, ayaa waxaa si degdeg ah u soo baxay bayaan kasoo yeeray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS). Madashaasi waxay ku doodeen in shirku u baahan yahay in lagu daro siyaasiyiin mucaarad ah, isla markaana la xoojiyo ajandaha shirka.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed xaq uma laha inay hagto, shuruudna ku xirto gogol qaran.

Haddaba, waa muhiim in si adag oo sharci ah loo caddeeyo in Madashani aysan wax sharciyad ah ku lahayn hannaanka siyaasadeed ee dalka, isla markaana aysan ka mid ahayn hay’adaha dastuuriga ah ee leh awoodda qaabaynta ama hagidda wadatashiyada qaran.

MADASHA: MA AHA HAY’AD DASTUURI AH

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waa urur siyaasadeed oo aan wax sharciyad ah ka haysan dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka. Ma jirto qodob dastuuri ah oo u aqoonsan inay tahay hay’ad kaalin ku leh hagidda siyaasadda qaran, gorgortanka siyaasadeed, ama wax ka beddelka dastuurka.

Dastuurka Soomaaliya wuxuu si cad u xusay hay’adaha leh awoodahaas oo ay ka mid yihiin:
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Qodobka 87),
• Baarlamaanka Federaalka (Qodobada 55–71),
• Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC),
• Xukuumadda Federaalka,
• Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Madasha kuma jirto midkoodna. Sidaas darteed, wax door ah kuma laha qaabaynta ajandayaasha qaran, mana lahan awood sharciyeed ay ku xukunto cidda ka qaybgelaysa gogol wadatashi qaran.

GOLOHA WADATASHIGA QARANKA (NCC): MADASHA MA AHA XUBIN

Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal rasmi ah oo sharciyeysan, loona asteeyey in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo in laga wada hadlo masiirka qaran ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Golaha waxaa ka tirsan:
• Madaxweynaha Federaalka,
• Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka,
• Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo SSC.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ma aha dowlad goboleed, ma metesho shacabka si sharci ah loo soo doortay, mana aha hay’ad ku qoran dastuurka ama sharciyad haysata. Sidaas awgeed, sheegashadooda ah inay u baahan yihiin ka qeybgal gaar ah ama cod ku leh waa mid si toos ah uga hor imaanaysa nidaamka dowliga ah.

WAX KABDALKA DASTURKA 

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu si gaar ah ugu tilmaamay Qodobada 132 ilaa 134 in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda kaliya ee awood u leh dib u eegista, wax ka beddelka iyo ansixinta Dastuurka.

Hadaba, soo jeedinta Madasha ee ah in gogosha la isugu yimaado lagu beddelo ama lagu xaliyo arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo nidaamka maamul, waa mid aan ku dhisnayn sharci. Waxaa jira habraac cad oo loo maro dib-u-eegista dastuurka, mana suurtagalayso in arrin masiiri ah lagu xalliyo madal aan sharciyad lahayn.

DOWLADDA FEDERAALKA

Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka waxay haystaan muddo-xileed afar sano ah, sida ku xusan Qodobka 91(2) ee Dastuurka KMG ah. Dowladda hadda jirta waxay ku jirtaa sannadkii ugu dambeeyay ee muddo-xileedkeeda, waxeyna weli leedahay awood buuxda oo sharci ah si ay u furto gogol wadatashi, ayna u hoggaamiso dowladnimada, ugana jawaabto baahiyaha siyaasadeed ee dalka.

@HESharifShAhmed kan Adiga miyaa? Waxaad @Golaha_shac_JFS ka dhex jeedisay in dastuurka Federaalka laga dhigo Madaxweyne & Raysal Wasaare uu madaxweynuhu magacaabi karo isla markaana uu casili karo oo aad soo jeedisay, waana la ansixiyay cod aqlabiyad leh waana ku qanacday!! pic.twitter.com/7zAscYWkIN

— Omar Abraar (@OAbraar) June 1, 2025

Fikirka Madasha ee ah in loo baahan yahay “xaqiijin iyo hubin siyaasadeed” kahor intaan la qaban shirku waa hadal siyaasadeed aan sal sharciyeysan lahayn. Dowlad sharci ku fadhida fasax ugama baahna madal aan dastuurka ku xusanayn si ay u gudato waajibaadkeeda qaran.

QARANNIMO LAGUMA DHISO MADALLO AAN DASTUURKA KU XUSNEYN

Soomaaliya waxay u baahan tahay midnimo qaran, wadahadal mas’uuliyadi ka muuqato, iyo sharci lagu dhaqmo. Laakiin tan micnaheedu ma aha in madallo siyaasadeed oo aan sharciyad lahayn lagu wareejiyo masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Wadatashi qaran wuu jiri karaa, waana lagama maarmaan. Laakiin waa in uu ku dhacaa iyadoo la dhowrayo nidaam dastuuri ah, sharciyada dalka, iyo doorka rasmiga ah ee hay’adaha dowladda.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed xaq uma laha inay hagto, shuruudna ku xirto gogol qaran. Dowladda Federaalka, Baarlamaanka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ah kuwa loo igmaday in ay u adeegaan dalka, iyagaana leh sharciyad lagu gaari karo horumar siyaasadeed oo waara.

Leadership, maskax, Caqli iyo Hal abuur ugu imaaw Madexweyn Dr Hassan Sheikh oo Aysan lahayn Mucaaradka Hadda Joogo.@aliade34120 @AbdisalamAato @EngNaaji pic.twitter.com/b1ApmdkQ3F

— Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow) (@siigaale1) June 1, 2025
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleMADASHA SAMATABIXINTA’: MARIN-HABAABIN SIYAASADEED IYO QALQAL LAGU BEERAYO BULSHADA
Next Article Madaxweyne Dr Xasan Sheekh: Dastuurka Baarlamaan baa Go’aamiya, Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Hore Waa Talo oo Kaliya.
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
  • X (Twitter)

Abdullahi M Hassan ( Abdullahi Yabarow), Legal Researcher, Co-founder and Director of the Federal Dialogue, the National Unity Programme, and the Legal Office at Mowlac Forum, a Somali-based research organisation. He holds a Master of Laws (LLM) and is a legal researcher, political scholar, and international legal advisor. His expertise includes public international law, human rights law, and federal dialogue processes, focusing on legal reform, governance, and state-building in post-conflict and transitional contexts. Abdullahi remains dedicated to advancing inclusive governance, legal development, and the rule of law through research, advocacy, and strategic legal counsel at national and international levels.

Related Posts

Somalia Secures Historic HIPC Debt Relief: AfDB Confirms Final Round After Major Economic Reforms

Somalia Secures Historic HIPC Debt Relief: AfDB Confirms Final Round After Major Economic Reforms

4 December 2025
Somaliland Waa  Aalad Siyaasadeed Iyo  Qorshe Lagu Fashilinayo Dowladnimada Soomaaliya.

Somaliland Waa  Aalad Siyaasadeed Iyo  Qorshe Lagu Fashilinayo Dowladnimada Soomaaliya.

20 November 2025
Somalia’s E-Visa System Brings Major Improvements to National Security

Somalia’s E-Visa System Brings Major Improvements to National Security

17 November 2025
Somalia Civil Aviation Authority

Somalia Civil Aviation Authority

13 November 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Somalia Secures Historic HIPC Debt Relief: AfDB Confirms Final Round After Major Economic Reforms Warka

Somalia Secures Historic HIPC Debt Relief: AfDB Confirms Final Round After Major Economic Reforms

By Osman Omar4 December 20250

Mogadishu — Dec-4-2025 Somalia has officially crossed one of the most important economic milestones in its…

Gunfire and Unrest in Hargeisa After Confrontation Involving Former Somaliland Leader

Gunfire and Unrest in Hargeisa After Confrontation Involving Former Somaliland Leader

1 December 2025
The Mineral War: Puntland’s Long Game Against ISIS — and Mogadishu

The Mineral War 

29 November 2025
Somalia Enforces New ETA System to Strengthen Border Security and Combat Illicit Networks

Somalia Enforces New ETA System to Strengthen Border Security and Combat Illicit Networks

27 November 2025
TikTok's Somali Problem: When Live Streams Become Tools for

TikTok’s Somali Problem: When Live Streams Become Tools for

27 November 2025
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Somalia Secures Historic HIPC Debt Relief: AfDB Confirms Final Round After Major Economic Reforms
  • Gunfire and Unrest in Hargeisa After Confrontation Involving Former Somaliland Leader
  • The Mineral War 
  • Somalia Enforces New ETA System to Strengthen Border Security and Combat Illicit Networks
  • TikTok’s Somali Problem: When Live Streams Become Tools for
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
© 2025 ThemeSphere. Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.