• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
Somalia Breaking News
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
Somalia Breaking News
qaran24.com » Warka » Ciidanka Xooga oo ATMIS kala Wareegay Deegaanka Cabdalla Biroole ee G/Jubbada Hoose.
Warka

Ciidanka Xooga oo ATMIS kala Wareegay Deegaanka Cabdalla Biroole ee G/Jubbada Hoose.

Qaran24By Qaran2430 June 2024Updated:30 June 2024No Comments1 Min Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Ciidanka Xooga oo ATMIS kala Wareegay Deegaanka Cabdalla Biroole ee G/Jubbada Hoose.
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Ciidanka ATMIS waxay ku wareejisay Saldhigga degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo noqonaya Saldhiggii Afaraad ee lagu wareejiyey Wajigii Saddexaad ee ATMIS-ta laga saaray.
Munaasabadda wareejinta waxaa ku sugnaa, ku xigeenka ATMIS SRCC, Sivuyile Bam, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Gaashaanle Muxudiin Axmed oo katirsan Ciida ka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahad celiyay ciidamada ATMIS ee KDF sida ay ugu hureen naftooda ka qeyb qaadashada sugida amniga Jubbaland.

Sarkaalka Xafiiska Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Santosh Koka, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo kala-guurka guuleysta.

UNSOS waxay Ciidamada xoogga dalka siisay SNAF koronto-dhaliyeyaasha, dhirta biyaha lagu nadiifiyo, taangiyada biyaha, ceelasha riigga ah, iyo looxyada xakamaynta.

Sidoo kale wareejinta xerada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha qeybta 2-aad ee ATMIS, Brig. Seif Saalim Rashiid, Ku Xigeenka Duqa Magaalada Cabdalle Biroolle, Axmed Cali, Taliyaha xilka la wareegaya ee Cabdalle Biroolle, Col. Maxamed Xasan Gaboobe, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS, UNSOS, iyo SNA.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

Soomaaliya Dijitaal Ah,Khatarta Garaadka macamalka ah, iyo Mas’uuliyadda Cusub ee Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay

14 September 2026

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.