• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Puntland » Shirkadda Wadaagsan oo ka hadashay qorshaha shirkadda Imaaraatiga ah loogu wareejinayo dekedda Garacad 
Puntland

Shirkadda Wadaagsan oo ka hadashay qorshaha shirkadda Imaaraatiga ah loogu wareejinayo dekedda Garacad 

Qaran24By Qaran2430 June 2024Updated:9 July 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Dowlad Gobeledka Puntland ayaa isu diyaarinaysa in ay Kal-fadhiga  Baarlamaanka ka ansixiso heshiiska wareejinta dekedda Garacad
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Shirkadda Wadaagsan oo ka hadashay qorshaha shirkadda Imaaraatiga ah loogu wareejinayo dekedda Garacad

Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa dekedda Garacad ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay wada-hadal kula jirto shirkad laga lee yahay dalka Imaaraadka, oo raadinaysaa maalgelinta dekedda.

Guddoomiyaha shirkadda Wadaagsan Warsame Axmed Shiddo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay in uu socdo wada-hadal ku saabsan maalgelinta dekedda Garacad, kaasi oo ay kula jiraan shirkad laga lee yahay magaalada Abu Dhabi.

Guddoomiye Shiddo ayaa tilmaamay in wada hadalka u socda labada shirkadooda ee la xiriira maalgelinta dekedda Garacad uu yahay mid maalinba maalinta ka danbaysa la isu soo dhowaanayo, balse uusan jirin weli heshiis rasmi ah oo la kala saxiixday.

“Waxaa noo socda wada-hadal iyo gorgortan ku saabsan maalgelinta dekedda Garacad, oo aan kula jirno shirkad laga lee yahay Abu Dhabi, kaasi oo wakhtiba wakhtiga ka danbeeya intii la isaga soo dhowaanayo” ayuu yiri Warsame Axmed Shiddo.

Waxaase uu dhinaca kale dafiray in dowladda Puntland ay qayb ka tahay qorshaha wareejinta dekedda Garacad, waxaana uu sheegay in barnaamijkaasi ku kooban tahay keliya labada shirkadood ee wada-hadalku u socdo.

“Barnaamijkani waa barnaamij laba shirkadood oo gaar loo lee yahay oo ganacsi uu ka dhexeeyo wada-hadalkiisu, wax dowlad oo ku lug lehna ma jirto. Wixii heshiis ahna labadaasi shirkadood baa heshiinaya” ayuu sii raaciyay Shiddo.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

Why Is Piracy Re-Emerging off Puntland’s Coast?

19 August 2026

The African Union mission in Somalia cannot have it both ways

18 March 2026

Sidee ku Sugi Kartaa Ammaanka TikTok Account-kaaga? Haddii Password Lagaa Xado, Sidee Ku Soo Celin Kartaa? (Tallaabo-Tallaabo)

14 December 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.