• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
Somalia Breaking News
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
Somalia Breaking News
qaran24.com » Warka » Dowladda Soomaaliya oo laga Cafiyay Deen dhan 36 million
Warka

Dowladda Soomaaliya oo laga Cafiyay Deen dhan 36 million

Qaran24By Qaran2426 June 2024Updated:26 June 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Dowladda Saudi Arabia oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36-malyan oo aheyd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya kulahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Dowladda Soomaaliya oo laga Cafiyay Deen dhan 36 million

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Vienna ee xarunta Wadanka Austria ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa xili uu goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Saudi Arabia oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36-malyan oo aheyd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya kulahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan).

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada hadal ka arrinkan xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa yiri “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”.

Heshiiskaan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadxaajood iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya in ay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka nqooto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

Soomaaliya Dijitaal Ah,Khatarta Garaadka macamalka ah, iyo Mas’uuliyadda Cusub ee Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay

14 September 2026

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.