• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun
Warka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun

Qaran24By Qaran2426 June 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “MA JIRTO MEEL AY IDIIN KU TASHADEEN DAD SOOMAALIYEED”
Mogadishu, Juun 26, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.
“Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”.
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.
Munaasabaddan ayaa lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.