Gobollada Gedo iyo Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya waxay haatan wajahaan xaalad amni iyo siyaasadeed oo aad u cakiran, iyadoo saddex dhinac oo kala duwan ay saameyn xoog leh ku yeesheen deegaanka: Ethiopia, Kenya, iyo ururka Al‑Shabaab
Inta Al‑Shabaab ay sii wadaan falalka amni-darrada, qaraxyada, iyo weerarrada hubeysan, dalalka deriska ah ee Ethiopia iyo Kenya ayaa ku lug yeeshay olole siyaasadeed oo ka socda magaalooyinka xuduudaha, taas oo loo arko isku day lagu ballaariyo saameyntooda siyaasadeed iyo amni ee gudaha Soomaaliya.
Axmed Madoobe, oo muddo ku dhow 15 sano hoggaaminayay magaalada Kismaayo iyo maamulka Jubaland ee afduubka uu u haysto ayaa lagu eedeeyaa inuusan si toos ah ugu hoggaamin dagaallo waaweyn oo lagula dagaallamo Al‑Shabaab, balse uu diiradda saaray heshiisyo siyaasadeed iyo xiriir dibadeed. Wararka soo baxaya waxay tilmaamayaan in uu, taageero ka helaya Ethiopia iyo Kenya, doonayo in uu xoojiyo saameyntiisa gobolka Gedo, taas oo dhalisay muran siyaasadeed iyo mid bulsho.
Ha ogolaan shesheeye in amar kusiiyo
Dadka ku nool Gedo iyo Jubbaland ayaa loogu digayaa in aysan ka tanaasulin lahaanshaha dhulkooda, oo ay tusaale u soo qaataan adkeysiga shacabka Falastiin ee ku sugan Gaza oo, inkastoo go’doon iyo cadaadis joogto ah la saaray , aan ka tanaasulin dhulkooda.
Haddii Ethiopia iyo Kenya aysan muujin ixtiraam dhab ah oo ku wajahan xuduudaha iyo madaxbannaanida Soomaaliya, waxaa soo baxaysa dood ah in Soomaaliya aysan sii wadin xiriir is-ixtiraam ku dhisan oo ay la leedahay labadaasi dal.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis ku aaddan in ay caddeyso istaraatiijiyaddeeda:
- Ma la dagaallantaa saddexdan dhinac — Ethiopia, Kenya, iyo Al‑Shabaab — isku mar?
- Mise waxaa jira qorshe kale oo lagu difaacayo gobolka Gedo iyo Jubbaland oo dhan?
Su’aalahan ayaa ah kuwo muhiim u ah shacabka, iyadoo dad badan ay u arkaan difaaca Gedo inuu la mid yahay difaaca jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed. Luminta hal gobol iyo u nuglaashaha cadowga dibada waxay noqon kartaa bilowga luminta dhul ballaaran.
Taariikhdu waxay xusi doontaa go’aannada la qaato waqtigan. Qaybaha bulshada, siyaasiyiinta, iyo dowladda dhexe ayaa lagu baaqayaa in ay qaataan mowqif mideysan oo difaaca dhulka iyo madaxbannaanida qaranka ah.