Thursday, July 31

Warbixin Gaar ah: Puntland oo Loo Arko Mid Isku Bedeshay Burcad Badeed Cusub – Xogaha La Helay iyo Khilaafka Siyaasadeed ee Sii Kordhaya

Laas Caanood | Qaran24.com – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la galay marxalad siyaasadeed oo lagu tilmaami karo mid ah go’doon siyaasadeed tan iyo markii uu diiday inuu ka qayb galo gogosha wadahadalka dowladda federaalka iyo mucaaradka, taasoo lagu waday in lagu heshiiyo hannaanka doorashada 2026. Deni wuxuu sidoo kale ka baxay dadaalkii lagu dhisayey maamulka cusub ee SSC-Khaatumo, isagoo diiday inuu qayb ka noqdo qorshahaas dowlad-dhiska ah ee ka socda Laas Caanood – magaalo ay dadkeedu si cad u diideen kala go’a iyo ku milmidda muumulka gooni u goosadka Somaliland.

Hase yeeshee, waxa la yaabka leh ayaa ah sida siyaasigaasi u leexday jihada khatarta leh ee lagu eedeeyay – in uu Puntland u rogay xarun burcad badeed cusub.

Markab lagu magacaabo SEA WORLD (IMO: 9324411), oo ka diiwaangashan waddanka Comoros, isla markaana lagu sheegay inuu sido qalab ciidan oo sharciyeysan oo loogu talagalay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga ee jooga Soomaaliya, ayaa la sheegay in si sharci-darro ah loogu afduubtay xeebaha Puntland loona geeyey dekedda Boosaaso.

Qorshe Siyaasadeed Mise Fal Dambiyeed Caalami Ah?

Warar aan si gaar ah u helnay ayaa muujinaya in markabka la socday waddo sharci ah, islamarkaana dowladda Turkiga ay si rasmi ah ugu wargelisay dhinacyada ay khusayso in uu yahay markab ay leeyihiin oo sii maraya biyaha Soomaaliya. Si kastaba, maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu si bareer ah ugu dhaqaaqay in uu markabka qabsado, iyadoo la adeegsanayo ciidanka PNPF – oo lagu tababaray agabkii dowladda Federaalka iyo midka Midowga Yurub.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland, oo uu hoggaamiyo Cabdi Faarax Juxa, ayaa horay u sheegtay in maamulkaasi “uu leeyahay awood gaar ah” isla markaana “uusan u baahnayn faragelin federal ah.” Hadalkaasi oo laga jeediyay bishii Febraayo 2022, ayaa hadda u muuqda mid la fasiran karo in loo adeegsaday sidii astaan xagjirnimo maamul goboleed – taasoo horseedi karta kala dambeyn la’aan baahsan.

Miyuu Bilaabanayaa Waji Cusub oo Fawdo Badeed ah?

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada badda Galmudug oo la hadlay Qaran24.com, ayaa si cad u sheegay in “haddii Puntland isku bedesho burcad badeed rasmi ah, aysan jirin sabab aan annaga u joojin karin markab kasta oo ku wajahan Boosaaso, Garacad, ama Barbara.”

Waxa uu intaas ku daray: “Ciidamadeenna waxaa lagu tababaray taageerada Midowga Yurub. Waxaan awood u leenahay inaan ilaalino biyaha Galmudug – xitaa laga bilaabo marinka Baabul-Mandab – haddii loo baahdo.”

Sidoo kale, ilo wareedyo rasmi ah oo ka tirsan maamulka dekedda Muqdisho ayaa xaqiijiyey in markabka la afduubay uu lahaa ogolaansho dowladeed, islamarkaana si buuxda loo ogaa socdaalkiisa.

Halkee Lagu Wadaa Inay Ku Dhammaato?

Waxay su’aashu tahay: haddii Maamulka Puntland bilaabo inuu si sharci darro ah u qabsado maraakiibta, iyadoo adeegsanaya awood dowladeed, maxaa joojin kara maamul kale sida Somaliland, Galmudug, ama Hirshabelle in ay iyaguna samayn fal la mid ah – “magaca maamulka” oo u adeegsada joojinta, baarista, iyo bililiqada hanti caalami ah?

Tani waxay noqon kartaa marxalad cusub oo lagu kala dilayo hanaankii badqabka badda Soomaaliya, iyadoo halis weyn la gelinayo kalsoonidii caalamku ku qabay dekedaha dalka iyo dawladnimada Soomaaliya.

Gunaanad:
Waxaa muuqata in Puntland, oo mar loo arkayey tiir dowladeed oo wax dhisaya, hadda si lama filaan ah ugu leexatay wadadii burbur iyo qaran jebin – iyadoo xasilloonida gobolka iyo sumcadda Soomaaliya ee caalamka ay halis weyn ku jirto. Waxa loo baahan yahay si degdeg ah in dowladda federaalka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay ka falceliyaan dhacdadan, si aysan u noqon jaranjaradii laga bilaabo burcad-badeednimada dowladda magaca leh.


Qaran24.com
Waxaan la soconaa… Adigana waan ku wargelin doonaa.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version