Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo 𝐈𝐃A.

Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si sare loogu qaadayo wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Share.
Leave A Reply