• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » Israel oo markan ka walaacsan Maxkamadda ICC
Warka

Israel oo markan ka walaacsan Maxkamadda ICC

Qaran24By Qaran2430 April 2024No Comments3 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Maamulka Israel ayaa si weyn uga walaacsan warka sheegaya in Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ay dhawaan soo saari doonto amar ay ku dalbaneyso in lagu soo xiro masuuliyiinta maamulkaasi qaarkood. 

Wararka ayaa sheegaya in maxkamadda ay ku howlan tahay inay soo saarto amar ay ku fareyso in lagu soo xiro Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, Wasiirkiisa Gaashaandhigga, Yoav Gallant iyo Taliyaha Ciidamada, General Herzi Halevi.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa ka digay mowjado naceyb oo ka dhan ah Yahuudda, haddii Maxkamadda ICC ay soo saarto waaranka lagu soo xirayo masuuliyiintaasi.

Wasiirka ayaa diblomaasiyiinta Israel ee dibadda u sheegay inay si degdeg ah ugu diyaargaroobaan, waxa uu ku sheegay mowjadaha naceybka daran ee ka dhanka ah Yahuudda, iyadoo laga jawaabayo suurtagalnimada ICC oo soo saari karta amarka soo qabashada.

“Shaqaalaha Safaaradaha waxaa la farayaa in laga qaybgeliyo Ururada Yahuudda ee dibadda baahida loo qabo u diyaargarowga dhacdooyinkan oo kale, oo ay ku jiraan iskudubaridka kor u qaadista ammaanka ee Ururada Yahuudda iyo masuuliyiinta.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay “Waxaan filaynaa in maxkamaddu ay ka baaqsato soo saarista waaranka qabasho ee ka dhanka ah masuuliyiinta siyaasadda iyo amniga.”

Wasiir Katz ayaa ku andacoonaya in go’aanka ka soo bixi kara ICC uu carqaladeynayo dadaalada ay Israel isaga difaaceyso sida uu yiri cadowga dilaaga ah.

“Haddii amarka la soo saaro, wuxuu dhaawici doonnaa Taliyeyaasha Ciidamada iyo askartaba, waxayna dhiirigelin doontaa kooxaha argagixisada ee Xamaas iyo xagjirnimada Islaamka ee ay hoggaamiso Iran oo aan la dagaalamayno.” Ayuu yiri Katz.

Katz ayaa yiri “Israel waxay ku shaqeysaa iyadoo si buuxda ugu hoggaansan dhammaan xeerarka dagaalka, waxayna adkeynaysaa gaarsiinta gargaarka.”

Netanyahu ayay hadda dacwad uga furan tahay maxkamad gudaha ah, isagoona loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, inkastoo dacwaddaasi dib loogu dhigay, inta uu socdo dagaalkan Gaza.

Dagaalka oo sii socdo ayaa la fahamsan in ay Netanyahu u suurtagelineyso in si xeeladeysan uu xafiiska ku sii joogo, maxkamaddana uu uga mashquuliyo kiiska loo haysto.

Haddii maxkamadda ku taala Israel ay ku hesho laaluush iyo wax is daba marin ayaa waxaa lagu xukumi karaa illaa 10 sano oo xarig ah.

Netanyahu ayaa horey u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu sheegay in eedeymahaasi ay qayb ka yihiin arrimo siyaasadeed, oo ay wadaan sida uu sheegay dhinacyada ka soo horjeeda.

Netanyahu ayaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay qorshe muran ka abuuray Israel, ka dib markii Israeliyiintu ay si weyn ugu kala qaybsamayn qorshaha dib-u-habaynta garsoorka. Israel ayaa waxaa sanadkii hore gilgilay mudaaharaadyo baahsan oo looga soo horjeedo is bedelka garsoorka, oo Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu uu gadaal ka riixayay, si uu uga gudbo dhibaatooyinkiisa dhanka sharciga ah.

Qorshaha dib-u-habaynta garsoorka ayaa Israel ku hoggaamiyay xiisaddii ugu xumeyd ee gudaha ah, muddo tobanaan sano ah.

Weerarkii aan horey noociisa loo arag ee ay Xamaas 7-dii October ku qaadday Israel ayaa sii xumeeyay xaaladda Israel.

Israel waxay hadda wajaheysaa waqtigii ugu adkaa ee soo mara, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.