• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter)
X (Twitter)
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Monday, December 15
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » Wasiir Alcadaala oo Shabaab ku eedeeyay dilka Shaqaalaha Hormuud.
Warka

Wasiir Alcadaala oo Shabaab ku eedeeyay dilka Shaqaalaha Hormuud.

Qaran24By Qaran2430 April 2024Updated:30 April 2024No Comments3 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay ka dambeeyeen dilka lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom loogu gaystay duleedka Magaalada Muqdisho. 

Gaari ay wateen shaqaalahan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii qarax lagu la eegtay deegaanka Garasbaaley, xilli ay dib ugu laabanayeen xarunta shirkadda ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay ka hawlgeli jireen.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Shabaabka caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ay ka masuul yihiin falkaasi.

“Falkaas waxaa ka dambeeyay kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta ee ka macaasha dhiigga dadka Soomaaliyeed, horeyba sida aan kala sooca lahayn u leynayay ayaa masuul ka ah.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Tuhun ma ahan ee dhaqamada, ficilada iyo howlaha noocaan ah dadka Soomaaliyeed-na waa yaqaanaan, dowladduna way la socotaa, dabcan falalkooda iyo ficiladooda ay ku beegsanayaan dadka Soomaaliyeed kuwo waqti badan soo socday ayay ahaayeen. Dhagarta ay ku dileen Shaqaalaha Hormuud dhagarihii dadka Soomaaliyeed ay u dhigi jireen iyo qaraxyada ay dadka qaar baabuurta ugu xiri jireen, qaarna waddooyinka ay u gelinayeen bay ka mid tahay. Marka iyagaa ka dambeeya, iyagaana ka masuul ah, arrintaasina waa arrin xaqiiqo ah.”

Wasiir Alcadaala ayaa afka ku ballaariyay in weerarada muddooyinkii ugu dambeysay lagu beegsanayay Shaqaalaha Hormuud Telecom iyo xarumahoodaba ay gaysanayeen Shabaabka.

“Ficiladii ugu dambeeyay noocaan ah ee si gaar ah ganacsatada loogu beegsanayay muddooyinkan, waxaa waday kooxda Al Shabaab la baxday ee Khawaarijta ah.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Mar wax laga weydiiyay sababta Hormuud iyo shaqaalaheeda ay Al Shabaab ugu beegsaneyso Muqdisho ee aysan ugu beegsaneynin dhulka ay ka arrimiso ayuu ku jawaabay in shirkaddu aysan caqabad ka haysan Muqdisho oo keliya, balse sidoo kale lagu bartilmaameedsanayo gobolada kale ee dalka.

“Waxaad ogtahay in shirkaddan meelo kala duwan lagu beegsaday shaqaalahooda. Waxaan ognahay gobolada in dhibaato badan lagu hayo oo dhaqdhaqaaqoodii iyo shaqadoodii meelo badan laga xiray oo dhibaato ay Khawaarijtu u gaysatay.” Ayuu yiri Alcadaala.

Dhanka kale Alcadaala ayaa sheegay in dhibaatada lagu hayo Shirkadda Hormuud ay qayb ka tahay dhibaatada guud ee ay Shabaabku ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayay dhibaato u gaysteen. Marka ganacsatadaas guud ayay ka mid yihiin, dabcan muraadkoodana waa inay baabi’iyaan nolosha dadka Soomaaliyeed. Meelaha dadka halbowlaha u ah ayay beegsadaan, si gaar gaar ah iyo si guudna ay dadka u beegsadaan.” Ayuu yiri Alcadaala oo intaasi ku daray “Runtii dhibaatada ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed muddooyinkii dambe waa mid soo kordheysay, oo ay isku dayayaan in dadka Soomaaliyeed meelaha noloshooda ay ka socoto ay ka curyaamiyaan.”

Alcadaala ayaa ugu dambayn sheegay in laamaha amniga ay ku howlan yihiin baaritaanka iyo daba galka, ciddii ka dambeysay qaraxan ugu dambeeyay ee lagu dilay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleTaliska Booliska oo markii ugu horreysay ka hadlay dilka Shaqaalihii Hormuud.
Next Article Israel oo markan ka walaacsan Maxkamadda ICC
Qaran24
  • Website

Related Posts

Sidee ku Sugi Kartaa Ammaanka TikTok Account-kaaga? Haddii Password Lagaa Xado, Sidee Ku Soo Celin Kartaa? (Tallaabo-Tallaabo)

Sidee ku Sugi Kartaa Ammaanka TikTok Account-kaaga? Haddii Password Lagaa Xado, Sidee Ku Soo Celin Kartaa? (Tallaabo-Tallaabo)

14 December 2025
Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

13 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad

11 December 2025
Boorma war

Waqooyiga Somalia: Dib-u-Habaynta Awoodda Qabiilka oo Furaysa Cutub lagu Fasiri Kari Waayey Muddo 34 Sano Ah

6 December 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Sidee ku Sugi Kartaa Ammaanka TikTok Account-kaaga? Haddii Password Lagaa Xado, Sidee Ku Soo Celin Kartaa? (Tallaabo-Tallaabo) Somalia

Sidee ku Sugi Kartaa Ammaanka TikTok Account-kaaga? Haddii Password Lagaa Xado, Sidee Ku Soo Celin Kartaa? (Tallaabo-Tallaabo)

By Osman Omar14 December 20250

TikTok ma aha madadaalo keliya — waa hanti dijitaal ah. Ilaali! TikTok waa sida gurigaaga…

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

13 December 2025
Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere

Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere

13 December 2025
Awdal State can end 30 years of secession through three united forces

Awdal State can end 30 years of secession through three united forces

11 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad

11 December 2025
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Sidee ku Sugi Kartaa Ammaanka TikTok Account-kaaga? Haddii Password Lagaa Xado, Sidee Ku Soo Celin Kartaa? (Tallaabo-Tallaabo)
  • Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?
  • Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere
  • Awdal State can end 30 years of secession through three united forces
  • Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
© 2025 ThemeSphere. Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.