Waxaa jirta su’aal si aamusnaan ah uga dhex wareegaysa siyaasadda Soomaaliya—su’aal aan si dhab ah loo wajihin, balse go’aamin karta jihada dalka: yaa dhab ahaantii qaada culayska dhaqaale ee dowladnimada, yaase leh awoodda go’aan qaadashada?
Muqdisho maanta ma aha oo kaliya caasimad siyaasadeed; waa xarunta dhaqaale ee dalka. Dakhliga ka yimaada dekedda, garoonka, iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ayaa laf-dhabar u ah miisaaniyadda federaalka. Dowladda shaqaynaysa maanta—hay’adaha jira, adeegyada socda, waxay si weyn ugu tiirsan yihiin canshuurta laga soo ururiyo magaalada.
Laakiin xaqiiqadan dhaqaale waxaa la socda khilaaf siyaasadeed. Siyaasiyiin ka kala yimid gobollada qaar ayaa doonaya saameyn buuxda oo federaal, iyagoo aan si muuqata uga qayb qaadan nidaamka dhaqaale ee ay rabaan inay sameenkuyeeshaan . Tani ma aha eedayn; waa su’aal ku saabsan mabda’a dowladnimo.
Dowlad kasta oo shaqaynaysa waxay ku dhisan tahay isku dheelitir: wax-ku-darsiga iyo metelaadda. Marka dheelitirkaas la jebiyo, marka kuwa aan wax ku darsan nidaamka ay yeeshaan saameyn la mid ah kuwa bixiya, kalsoonida dadweynaha wayluntaa. Taasi waa halka ay dhibaatadu ka bilaabato oo la waayo cid yeelata ama difaacda dowladnimada, .
Muqdisho gudaheeda, dareenka sii xoogeysanaya waa mid cad: dadka bixiya canshuurta ayaa arka in codkooda lagu miisaamo si la mid ah, ama mararka qaar ka hooseeya, kuwa aan lahayn wax-ku-darsigaas dhaqaale ee dalka. Waxaa intaas dheer, mararka qaar kuwa aan ku darasn dhaqaali dwoalda wwaxaa lagu eedeeyaa inay u adeegayaan dano shisheeye si loo daciifiyo dowladnimda Somalia
Arrintu ma aha qabiil. Muqdisho lafteedu waa isugeyn qaran—magaalo ay wada leeyihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed. Sidaa darteed, dooddu ma aha cid gaar ah oo la taageerayo ama la diidan yahay; waa dood ku saabsan sida nidaam federaal ah u noqon karo mid caddaalad leh.
Dowladda federaalka waxay hortaallaa doorasho adag: yaa mudan in la dhageysto? Ma kuwa si joogto ah u taageera miisaaniyadda dalka, mise kuwa doonaya saameyn siyaasadeed iyagoon lahayn wax-ku-darsiga u dhigma?
Haddii jawaabtu noqoto mid aan caddeyn, khatar ayaa jirta. Taariikhdu waxay si joogto ah u muujisay in dowladaha iska indha tira meesha dhaqaalehoodu ka yimaado ay si tartiib ah u wiiqmaan. Tani ma aha hanjabaad; waa xaqiiqo soo noqnoqotay. Waana waxa ka guuxaya dadka Reer Muqdishu
Bal si fudud u eeg: haddii Muqdisho ay hakiso canshuurta—even muddo gaaban, sidee ayuu u shaqayn lahaa nidaamka federaalka? Su’aashani waxay muujinaysaa miisaanka dhabta ah ee magaalada, inkastoo aan si rasmi ah mar walba loo qirin.
. Waa in la aqoonsadaa xaqiiqda oo awooda dheeraad ah la siiyaa Muqdishu marka ay timaado go aan qaadashada, , kadibna loo beddelaa nidaam caddaalad leh: metelaad ku saleysan wax-ku-darsiga, nidaam canshuureed oo mideysan, iyo fulinta heshiisyadii hore ee qeexayay awood qaybsiga.
Muqdisho ma aha dal gaar ah. Laakiin sidoo kale ma aha meel la iska indho tiri karo. Waa wadnaha dhaqaale ee Soomaaliya—wadne aan la maamuli karin iyadoo aan la ixtiraamin garaaciisa.
Ugu dambayn, dowladnimadu ma dhismo hadal. Waxay ku taagan tahay dhaqaale, kalsooni, iyo cadaalad. Haddii midkood la dayaco, nidaamka oo dhan ayaa halis galaya.
Su’aashu weli way taagan tahay—
yaa bixiya, yaa go’aamiya?





