• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
  • News English
  • Opinion
  • Warka
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Warka » RA’IISUL WASAARE XAMSA OO BOOQDAY MASAAJIDKA SHIIKH CABDULQAADIR JEYLAANI EE MAGAALADA BAQDAAD
Warka

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO BOOQDAY MASAAJIDKA SHIIKH CABDULQAADIR JEYLAANI EE MAGAALADA BAQDAAD

Qaran24By Qaran249 July 2024Updated:9 July 2024No Comments1 Min Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
RA'IISUL WASAARE XAMSA
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
RA’IISUL WASAARE XAMSA OO BOOQDAY MASAAJIDKA SHIIKH CABDULQAADIR JEYLAANI EE MAGAALADA BAQDAAD

Baqdaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haya, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyadoo lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan, Waxa uu sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah.

Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

INDHAHA CIRKA

19 August 2026

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Facebook
  • Linkedin
  • VK
  • Youtube
  • Instagram
© 2026 Qaran24. Designed by Osman Omar.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.