• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter)
X (Twitter)
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Wednesday, December 24
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » Wasiir Alcadaala oo Shabaab ku eedeeyay dilka Shaqaalaha Hormuud.
Warka

Wasiir Alcadaala oo Shabaab ku eedeeyay dilka Shaqaalaha Hormuud.

Qaran24By Qaran2430 April 2024Updated:30 April 2024No Comments3 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay ka dambeeyeen dilka lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom loogu gaystay duleedka Magaalada Muqdisho. 

Gaari ay wateen shaqaalahan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii qarax lagu la eegtay deegaanka Garasbaaley, xilli ay dib ugu laabanayeen xarunta shirkadda ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay ka hawlgeli jireen.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Shabaabka caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ay ka masuul yihiin falkaasi.

“Falkaas waxaa ka dambeeyay kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta ee ka macaasha dhiigga dadka Soomaaliyeed, horeyba sida aan kala sooca lahayn u leynayay ayaa masuul ka ah.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Tuhun ma ahan ee dhaqamada, ficilada iyo howlaha noocaan ah dadka Soomaaliyeed-na waa yaqaanaan, dowladduna way la socotaa, dabcan falalkooda iyo ficiladooda ay ku beegsanayaan dadka Soomaaliyeed kuwo waqti badan soo socday ayay ahaayeen. Dhagarta ay ku dileen Shaqaalaha Hormuud dhagarihii dadka Soomaaliyeed ay u dhigi jireen iyo qaraxyada ay dadka qaar baabuurta ugu xiri jireen, qaarna waddooyinka ay u gelinayeen bay ka mid tahay. Marka iyagaa ka dambeeya, iyagaana ka masuul ah, arrintaasina waa arrin xaqiiqo ah.”

Wasiir Alcadaala ayaa afka ku ballaariyay in weerarada muddooyinkii ugu dambeysay lagu beegsanayay Shaqaalaha Hormuud Telecom iyo xarumahoodaba ay gaysanayeen Shabaabka.

“Ficiladii ugu dambeeyay noocaan ah ee si gaar ah ganacsatada loogu beegsanayay muddooyinkan, waxaa waday kooxda Al Shabaab la baxday ee Khawaarijta ah.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Mar wax laga weydiiyay sababta Hormuud iyo shaqaalaheeda ay Al Shabaab ugu beegsaneyso Muqdisho ee aysan ugu beegsaneynin dhulka ay ka arrimiso ayuu ku jawaabay in shirkaddu aysan caqabad ka haysan Muqdisho oo keliya, balse sidoo kale lagu bartilmaameedsanayo gobolada kale ee dalka.

“Waxaad ogtahay in shirkaddan meelo kala duwan lagu beegsaday shaqaalahooda. Waxaan ognahay gobolada in dhibaato badan lagu hayo oo dhaqdhaqaaqoodii iyo shaqadoodii meelo badan laga xiray oo dhibaato ay Khawaarijtu u gaysatay.” Ayuu yiri Alcadaala.

Dhanka kale Alcadaala ayaa sheegay in dhibaatada lagu hayo Shirkadda Hormuud ay qayb ka tahay dhibaatada guud ee ay Shabaabku ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayay dhibaato u gaysteen. Marka ganacsatadaas guud ayay ka mid yihiin, dabcan muraadkoodana waa inay baabi’iyaan nolosha dadka Soomaaliyeed. Meelaha dadka halbowlaha u ah ayay beegsadaan, si gaar gaar ah iyo si guudna ay dadka u beegsadaan.” Ayuu yiri Alcadaala oo intaasi ku daray “Runtii dhibaatada ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed muddooyinkii dambe waa mid soo kordheysay, oo ay isku dayayaan in dadka Soomaaliyeed meelaha noloshooda ay ka socoto ay ka curyaamiyaan.”

Alcadaala ayaa ugu dambayn sheegay in laamaha amniga ay ku howlan yihiin baaritaanka iyo daba galka, ciddii ka dambeysay qaraxan ugu dambeeyay ee lagu dilay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleTaliska Booliska oo markii ugu horreysay ka hadlay dilka Shaqaalihii Hormuud.
Next Article Israel oo markan ka walaacsan Maxkamadda ICC
Qaran24
  • Website

Related Posts

Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo

Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo

23 December 2025
Sida Loo Raadiyo ama Loogu Raad-raaco hadii Taleefanka Samsung Uu kaa Lumo

Sida Loo Raadiyo Taleefanka Samsung Haddii Uu Kaa Lumo ama La Xado

22 December 2025
Gaajo Qaran - Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

Gaajo Qaran – Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

20 December 2025
Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga

Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga 

19 December 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo Warka

Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo

By Osman Omar23 December 20250

Cusboonaysiinta iPhone-ka (iOS Update) waa arrin muhiim u ah amniga, xawaaraha, iyo shaqada guud ee…

Somali National Army Liberates Key Areas in Lower Shabelle in Major Blow to Al-Shabaab

Somali National Army Liberates Key Areas in Lower Shabelle in Major Blow to Al-Shabaab

23 December 2025
Sida Loo Raadiyo ama Loogu Raad-raaco hadii Taleefanka Samsung Uu kaa Lumo

Sida Loo Raadiyo Taleefanka Samsung Haddii Uu Kaa Lumo ama La Xado

22 December 2025
Gaajo Qaran - Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

Gaajo Qaran – Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

20 December 2025
Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga

Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga 

19 December 2025
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo
  • Somali National Army Liberates Key Areas in Lower Shabelle in Major Blow to Al-Shabaab
  • Sida Loo Raadiyo Taleefanka Samsung Haddii Uu Kaa Lumo ama La Xado
  • The Shockwaves of a Hypothetical Deal-Somaliland Accepted to Receive 2,200 Palestinian Israeli Intelligence Informers
  • Gaajo Qaran – Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
© 2025 ThemeSphere. Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.