Site icon Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Wasiirka Amniga Soomaaliya Fartaag ayaa gaaray degmada Caabudwaaq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa halkaas waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo qeybaha bulshda deegaanka.

Safarka Degmada Caabudwaaq ayaa daaran sidii Si Nabad ah looga Soo wareejin lahaa dadka deegaankaas Hubkii Dhawaan ay boobeen.

Exit mobile version