Deegaanada Somaliland saaka waxaa looga dareeray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo Sare. Tirada guud ee ardayda u fadhiisaneysa imtaxaanka shahaadiga ah ayaa dhan 38,489 ardey Dugsiyada sare waxaa sanadkan 2024-ka imtixaanka gelaya 15,542 arday, halka dugsiyada dhexe ay galayaan 22,947 arday. Madaxweynaha Somaliland ayaa saaka si ramsi ah u daah furay imtixaanka, isaga oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda waxabrashada iyo tacliinta sare iyo masuuliyiin kale oo ka socday jaamacadaha dalka oo sanadkan ilaalinta imtixaanka ku cusub.
Author: Abdikarin Dahir
33 sano kadib Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa maanta looga fariistay imtixaanka Shahaadiga. Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya. 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa Imtixaanka gelaysa, waxaana goobaha Imtixaanka lagu qaadayo ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, kuwaas oo u xil saaran ilaalinta iyo kormeerka goobaha imtixaanka lagu gelayo. RW Xamse oo kahadlayay imtixaanka ayaa sheegay in 136 xarumood guud ahaan dalka ay ka socdaan imtixaanka qaranka, waxa uuna yiri ”Sanadkan waxaa guul noo ah in…
Dowladda Soomaaliya ayaa markale sheegtay in aysan ogolaa doonin in ciidanka itoobiya ay ka sii mid ahaadaan howlagalka midowga africa Soomaaliya ayaa golaha amaanka iyo Nabada ee midowga Africa u sheegtay in aysan ogolaa doonin in ciidanka Itoobiya ka sii mid noqdaan howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya hadii aysan Adis Ababa ka bixin heshiiskii MoU-ga ee u dhexeeyay Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. Itoobiya si ay dhankeeda cadaadis u saarto Soomaaliya waxa ay kordhisay ciidankeeda Jooga Soomaaliya gaar ahaan degmada Doollow ee gobolka Gedo. Bartamaha Soomaaliya degmada Matabaan waxaa lagu arkay ciidamo Itoobiyaan ah inkastoo bulshada deegaanka u diideen in…
Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil. Suldaan Da’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil kadib markii uu askari xabad ku riday. waraysi uu MMTV siiyay ayuu ku sheegay in la damcay in la dilo, oo ay askartu xabad u adeegsadeen kadib mudaharaad lagaga soo horjeeday xadhiga Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani oo uu qayb ka ahaa. “Maanta dalka waxa la doonayay in fawdo, mudaharaad, buuq iyo dil ay ka dhacdo, nin Ciidagale ah ayaa nin Ciidagale ah…
Xogtii ugu dambeysay Ciidamadii Ethiopia ee soo gaaray Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradooda lagu Qiyaasay Kun iyo Dhowr watayna Dabaabaadka Dagaalka ayaa dhinaca feer feer ee Gobolka Hiiraan ka Soo galay Magaalada. Taliska Boolicka Degmada Matabaan Ayaa isku dayay iney lahadlaan Saraakiisha Ciidamada Hugaamineysa , weyna u suurta gashay iney lakulmaan, Waxeyna weydiiyeen waxa ay yihiin ? Halka ay u socdaan ? cidda ay Amarka marista iyo Degitaanka Matabaan ka heystaan ? Dhammaan Saraakiisha Hugaamineysa Ciidankaan Itoobiya ayaa ka gaabsaday iney xog dheeraad ah bixiyaan , Marka laga Soo tago iney Dhinaca Galgaduud u socdaan…
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley. Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la w⁸adaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga…
Wasiir Fiqi ayaa maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka usoo magcawday Soomaaliya.Wasiir Fiqi ayaa maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka usoo magcawday Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley. Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday, waxaa uu…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta sheegay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda, isagoo faray dhammaan diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ka idlaaday ee dib xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay lagu kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda. Wasiirka ayaa hadalkani maanta ka sheegay madal lagu kulmiyay diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ee loo igmaday uu ka idlaaday oo dib Wasaaradda loogu soo celiyay markii ay muddo sideed sano ka soo shaqeeyeen Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Axmed Fiqi…
Dowladda Somalia ayaa qorsheynaysa Dhisidda Garoon diyuuradeed oo caalami ah. Wareysi uu bixiyay maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo Garoon diyaaradeed oo cusub kaa soo qaabilsan duulimaadyada diyuuradaha ee imaanaya ama ka baxaya Muqdisho. Maareeyaha ayaa ayaa xusay in waqtiyada so socda magaalada muqdisho ay yeelan doonto garoon diyaaradeed kaa soo laga heli karo adeegyada ay u baahanyihii dhamaan nuucyada diyaaradaha u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka. Maareeyaha ayaa xusay in dhismaha garoonka diyaaaradaha oo laga hirgalin doono ceelmacaan kaa soo fududeyn doonto in laga baxo ciriiriga ka…
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale. Xafiiska Xeer-Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok. Xafiisku waxa uu Maxkamadda Gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas. Hadaba Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka…
WQ: Xildhibaan Mohamed Abdtidoon. Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka iyo Ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) waxay fursad muhiim ah u siinaysaa Soomaaliya in ay kor ugu qaaddo maqaamkeeda caalamiga ah, saamayn ku yeelato wax ka jaangoynta siyaasadda amniga caalamka, iyo inay wax ka qabato si gaar ah caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ku horgudban Soomaliya iyo Dalalka Africa. Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka : Maqaamka Soomaaliya ee ku dhex leedahay caalamka oo sare u kacaya: Xubinimada golaha amaanka waxay sare u qaadaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay…










